Rag hubaysan oo dukaan ka dhacay xaanshiyaha suuliga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Koox hubeysan oo ku sugan magaalada Hong Kong ayaa dhacay boqolaal xaanshiyaha saxarada la isaga tiro oo qiimahoodu lagu qiyaasay 130 dollar.
Xaanshiyaha ayaa haatan lagu soo warramayaa inay aad ugu yar yihiin Hong Kong, taas oo ka dhalatay cabsida laga xanuunka Corona.
Warbaahinta maxalliga ayaa kusoo warrantay in booliska Hong Kong ay sheegeen in rag tooriyo wata ay dukaan hortiisa kaga qaateen xaanshiyaha saxarada la isaga tiro nin shaqaale ah, waxaana ay intaa raaciyeen in haatan ay gacanta ku dhigeen laba nin iyo qeyb ka mid ah xaanshiyihii ay dhaceen.
Ragga hubaysan ayaa dhaca ka geystay degmada Mong Kok ee ka tirsan Hong Kong, oo ay inta badan ka dhacaan falalka ay geystaan burcadda hubaysan.
Sida ay kusoo warrameen weriyeyaal halkaas ku sugan, kooxda ayaa u hanjabtay shaqaalihii ka shaqeynayay dukaanka oo markaas baabuur ka dejinayay xaanshiyaha suuliga.

Dad badan ayaa safaf dhaadheer maalmahan ugu jiray sidii ay u heli lahaayeen agab kala duwan oo ay kamid yihiin xaanshiyaha suuliga, maadaama uu aad u yaraaday isu socodka dadweynaha iyo badeecadihii la keeni jiray magaalooyinka.
"Nin alaabaha geeya ayaa waxaa uu u hanjabay saddex nin oo watay tooriyo, kuwaas oo halkaas ka qaatay xaanshiyaha musqulaha oo qiimaha ahaan gaaraya lacag dhan 130 doolar," ayuu yiri afhayeen u hadlay booliska.
Inkastoo dowladda dalkaas ay sheegtay in helitaanka xaanshiyahaas iyo agab kale aanu wax hakad ah ku iman doonin ayaa haddana waxaa jira dad badan oo safaf u galay sidii ay u heli lahaayeen agabka iyo raashiinka oo ay kamid yihiin bariiska iyo baastada.
Sidoo kale maryaha lagu xirto afka ayaa iyaguna lagu soo warramayaa in ay gabaabsi ka yihiin Hong Kong, waxaana dadka ay isku dayayaan sidii ay ku heli lahaayeen maryahaas la isaga difaaco caabuqa corona.
Mas'uuliyiinta ayaa arrintan ku eedeeyay warar been abuur ah oo lagu baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo sheegay in waxwalba oo ay ugu horreeyaan xaanshiyah ay gabaabsi yihiin.










