Canuggii ugu yaraa oo 30 saacadood jir ah oo laga helay caabuqa corona

Ilmahaa yar hooyadii ayaa laga helay caabuqa ka hor inteysan dhalan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ilmahaa yar hooyadii ayaa laga helay caabuqa ka hor inteysan dhalan.

Warbaahinta dawladda ayaa ku warantay in ilmo yar oo ku dhashay Shiinaha laga helay cudurka Coronavirus 30 saacadood uun ka dib markii uu dhashay, waxaanu sidaa ku noqonayaa qofkii ugu da'da yaraa ee ilaa haatan uu ku dhacay cudurkaasi.

Ilmuhu wuxuu ku dhashay 2 Feeberweri magaalada Wuhan oo ah halkii uu ka bilaabmay cudurku.

Ilmaha hooyadii ayaa intii aanay umulin laga helay cudurka. Ilaa haatan ma cadda sida cudurka ay u qaadsiiyey . Ma intuu uurka ku jiray baa mise waa markuu dhashay.

Waxay ahaayeen faro ku tiris caruurta uu ku dhacay cudurkan ay ilaa haatan u dhinteen 563 qof 28,018 kalana u jiifaan.

Wakaaladda wararka dawladda ee Xinhua ayaa warka ilmahaa yar inuu ku dhacay cudurkani Arbacadii tebisay.

Waxaanay intaa ku dartay in ilmaha oo markuu dhashay miisaankiisu ahaa 3.25 kg ay haatan xaaladiisu degantahay oo dhakhaatiirtu gacanta ku hayaan.

Siduu ilmuhu cudurka ku qaaday?

Khubarada caafimaadku waxay sheegeen in ay suurto gal tahay in ilmuhu ku dhashay cudurka oo hooyadii ugu gudbisay uurka.

Dhaqaatiir badan ayaa ku howlan sidii xal loogu heli lahaa

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dhaqaatiir badan ayaa ku howlan sidii xal loogu heli lahaa

''Dhacdadani waxay i xasuusinayaa in ay muhiim tahay in loo dhug yeesho in hooyada uurka lihi u gudbin karto cudurka ilmaha ay sido" ayuu yidhi Zeng Lingkong oo ah dhakhtarka madaxa ka ah isbitaalka caruurta ee Wuhan oo wakaalada wararka Rueters la hadlay.

Laakiin waxa kale oo suurto gal ah in ilmaha cudurku ku dhacay markuu dhashay ka dib oo uu qaaday markay hooyadii bogga gelisay.

''Aad bay suurto gal u tahay in ilmuhu cudurka ku qaaday sida caadiga ah oo hooyadii markay qufacaysey Virus-kii hadawada ay ku sii daysay uu neefsaday" ayuu yidhi Stephen Morse oo ah dhakhtar ka tirsan jaamacadda Colombia ee dalka Maraykanka oo la hadlay wargeyska Business Insider.

Ma wax caadi ah baa in caruurtu Virus-kan qaadaan?

Caruur faro ku tirs ah ayaa laga helay Virus-kan tan iyo intii uu dilaacay, waana sidii cudurradii la midka ahaa ee muddooyinkii la soo dhaafay dilaacay ee ay ka midka ahaayeen Sars iyo Mers.

Warbixin lagu baahiyey majallada Journal of the American Medical Association (JAMA) ayaa lagu sheegay in celcelis ahaan da'da bukaanka uu ku dhacay cudurkani u dhaxayso 49 iyo 56 jir, waxaanay intaa ku dartay in xaaladaha caruurta uu ku dhacay ''naadir yihiin''.

Sidaas oo kale ayaa cudurka Mers markii uu dillaacay sannadkii 2016 majallada World Journal of Clinical Paediatrics sheegtay in Virus-kaasi caruurta naadir ku ahaa, in kasta oo ay intaa ku dartay in ''sababta aan la garanayn''.

Ilmo lix bilood jira oo reer Singapore ah yaa laga helay cudurkan Coronavirus ee cusub iyo sidoo kale ilmo yar oo sideed jir ah oo ka tagay Wuhan oo haatan jooga Australia.

Cudurku wuxu ku fiday dunida oo waxa ilaa haatan xaqiijiyey 25 dal oo 191 qof oo uu ku dhacay laga soo sheegay inkasta oo tirada dadka ugu dhintay cudurkaa dalalka aan Shiinaha ahayn ay tahay laba keliya.

Coronavirus wuxu keenaa cudur ku dhaca neefmareenka calaamadihiisuna waxay badnaa ku bilaabmaan xumad iyo marka dambe oo qufac engegan ah. Dadka uu ku dhacay badankoodu waxay u badan tahay in ay uga bogsadaan sida ay hargabka caadiga ah uga kacaan oo kale.

Maxaa kale ee dhacay markii Virus-kani dilaacay?

Hay'adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa ku dhawaaqday in cudurkani halis caafimaad ku yahay dunida.

Madaxa hay'addaas, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa Arbacadii codsaday in dunidu siiso hay'adda 675 milyan oo doolar oo saddexda bilood ee soo socda ay hay'addu kula dagaalanto cudurkan.

Qaadhaankaa badankiisa waxa lagu caawin doonaa dalalka u baahan in gacan laga siiyo la dagaalanka Virus-kan. Qiyaastii 500,000 oo masks ah iyo 40,000 oo qalabka neefsiga kalkaala ah ayaa loo diri doonaa 24 dal.

Qoraalka Muuqaalka, .

Saraakiisha Shiinaha ayaa sheegay in ay kordhiyeen dadaalka ay ku kaxamaynayaan cudurkan, gaar ahaan gobolka Hubei oo ay ku taal magaalada Wuhan. Laba isbitaal ayaa si dhakhso ah lagu dhisay iyo 11 waadh oo fudud.

Sarkaal jooga Wuhan ayaa Arabacadii ka dayriyey sariiraha iyo agabka caafimaadka oo gabaabsi ah waxaanu sheegay in maamulku ka fiirsanayo in uu hudheelada iyo iskuulada magaalada ku yaal ka dhigo xarumo caafimaad.

Malaayiin qof oo ku nool gobolada Hubei iyo Zhejiang ayaa amar lagu siiyay in qoyskiiba hal qof mar dibada ugu bixi karo labadii maalmood ba mar keliya.