"Waxaan nahay dhallinyaro Soomaaliyeed oo murugada u badela farxad"

.

Xigashada Sawirka, IGM

Qoraalka sawirka, Dhallinyaro is-xilqaamay

Urur ay ku midoobeen dhalinyarada Magaalada Galkacyo ayaa billaabay dedaal ay ugu gargaarayaan dadka qaba xanuunada ee wax looga qaban waayay gudaha Soomaaliya.

Ururkan ayaa dadka danyarta ah ee aan heysanin dhaqaale ay isku daweeyaan ka caawiya sidii dhaqaale ay ugu soo ururrin lahaayeen, kuwaas oo marka ay dhaqaale u helaan geeya dalka dibadiisa si ay daryeel caafimaad u helaan.

"Ururkeena wuxuu qabtaa shaqo is-xilqaan ah, iyo taageerida dadka tabaaleysan, gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa uu ku dhaco xanuunada ay adag tahay in gudaha dalka wax looga qabto, ururkeena wuxuu xaalad murug ah ka caawiyaa dadka inuu u badela mid farxadeeda", ayay tiri Drs Haboon Muuse Yuusuf oo ka mid ah ururka is xilqaamayaasha iftiinka gobolka Mudug.

Haboon ayaa sidoo kale sheegtay in iyagu aysan heynin dhaqaale wax looga qabto xaalad walba, balse dadka Soomaalida ay u dhex-qaadaan, sidaasina ay kuso uruuriyaan dhaqaalaha ay ku daweyaan ama ay ku taageeraan dadka tabaaleysan.

"Shaqadii ugu horeysay ee ururka uu qabtay wxay ahayd wiil reer Galkacyood ah oo uu ku dhacay cudurka Kansarka, aabihii wuxuu ahaa qof naafa ah, wuxuuna ka dhashay qoys danyar ah, waxanu u dhexmarnay dadka, anagoo adeegsaneyna idaacadaha iyo sameecadaha, kadibna sidaas ayaanu wax ugu qabanay", ayay ku dartay.

Waxay intaa raacisay in dhaqaalaha ay dadka ku caawiyaan ay inta badan ka helaan gudaha dalka iyo Soomaalida qurba-joogta ah.

.

Xigashada Sawirka, IGM

Qoraalka sawirka, .

Dadka ay caawiyaan ayay sheegtay in ay dhowr nooc isugu jiraan, balse marwalba ay mudnaanta siiyaan dadka aadka u liita, waxayan sidoo kale BBC-da u sheegtay in bukaana badan ay ku guuleysteen in ay daweyaan, kuwakale qadartii rabbi ay ku timid.

Dhaqaalaha ay uruuriyaan iyo sida dadku ay ku aaminaan ayay Hbaoon sheegtay in markii hore dhaqaale aad u yar ay dadku ka qaadi jireen, taasina ay keentay in haatan lagu aamino dhaqaale intaasi ka badan oo dadka ay ugu gargaaraan.

Inta badan cudurada halista ah oo uu Kansarku uu kamid yahay ayay adag tahay in qofka uu ku dhaco wax looga qabto gudaha Soomaaliya, waxaana qaar ka mid ah dadka ay soo ritaan cudurada halista ah ay u baahdaan in dibadda ay ka raadsadaan daweyn cafaimaad, haseyeeshee intooda badan ma awoodaan.

Waxaa sanadihii dambe aad usoo badanayay dadka uu ku dhaco xanuun uu kamid yahay Kansarka, kuwaas oo ay adag tahay in Soomaaliya, waxaana taas ay keentaa in dad badan ay u dhintaan marka ay waayaan daryeel caafimaad.