Dhacdo dhif ah: Wiil madaxweyne dhalay oo maxkamad lagu soo taagay Angola

Jose Filomeno, todoba bilood ayuu u xidhaa eedo musuqmaasuq ah

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Jose Filomeno, todoba bilood ayuu u xidhaa eedo musuqmaasuq ah

Wiil uu dhalay ninkii Angola 38 sano xukumayey ayaa maxkamad lagu soo taagay eedo musuqmaasuq ah, taas oo noqonaysa dhacdo dhif ah oo qof dabaqaddaa sare ka tirsan eed noocan ah loo soo qabto.

Xeer ilaalintu waxay sheegtay in Jose Filomeno dos Santos iyo dad lala soo eedeey ay intii uu ahaa madaxa sanduuqa hantida qaranka ee Angola ay dalka kala baxeen lacag shan boqol oo milyan oo doolar ah. hase yeeshee way beeniyeen eedda lagu soo oogay.

Dacwadan waxa loo arkaa in ay noqon doonto mid lagu bilkeediyo sida ay Angola uga go'anyahay la dagaalanka musuqmaasuqu.

Weriyaha BBC-da dalalka Afrikada Koonfureed uga soo warama, Andrew Harding, ayaa yidhi waa dhacdo lama filaan ka noqotay dal ku caan baxay musuqa saliidana hodan ku ah oo hadana saboolnimo dilootay.

Jose Eduardo dos Santos wuxu madaxweyne dalkaa ka ahaa intii u dhaxaysay 1979 ilaa markii uu is casilay 2017 ee uu xilka kala wareegay Madaxweyne Joao Lournco, oo ka tirsanaa isla xisbiga talada hayey ee MPLA.

Maxaa ku dhacay xubnihii kale ee qoyskii dalka xukumi jiray?

Weriyahayagu wuxu sheegay in saamayntiii qoyska madaxweynihii hore oo intii uu xilka hayey musuqu xididaystay ay isbedeshay markii uu xilka iska casilay.

Markii uu talada qabtay, Lourenco wuxu si lama filaan ah uga soo horjeedsaday reer Dos Santos waxaanu ballan qaaday isbedel iyo inuu wax toosiyo.

Madaxweynaha cusubi wuxu sidoo kale bishii Noofember 2017 shaqadeeda oo ahayd madaxa shirkadda shidaalka dawladda ee Sonango ka eryey inan uu dhalay ninkii xilka uga horeeyey oo la yidhaa Isabel dos Santos oo ah haweenayda Afrika ugu hantida badan oo lagu eedeeyey lunsi hanti dawladeed.

Isabel way beenisay in ay wax dembi ah gashay, waxaanay imika ku nooshay dalka dibadiisa oo waxay sheegtay in nolosheedu halis gashay.

Waraysi ay siisay BBC-da 2017-kii ayay ku sheegtay in waxa loo beegsanayaa tahay in uu madaxweynihii hore dhalay.

Isabel dos Santos

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Isabel dos Santos

Waxa sidoo kale la rumaysan yahay in madaxweynihii hore dalka ka baxay.

Waa markii ugu horraysay ee qof ka tirsan qoyska reer Dos Santos maxkamad la hor geeyo.

Jose Filomeno dos Santos oo ku magac dheer Zenu ayaa todoba bilood u xidhnaa eedo musuqmaasuq intaan la sii daynin bishii Maarij ee sannadkan.

Waxa markii aabihii talada hayey loo magacaabay 2013-kii inuu madax ka noqdo sanduuqa hantida qaranka oo miisaaniyaddiisu ahayd shan bilyan oo doolar, laakiin waxa shaqada laga fadhiisiyey 2017.

Jose Filomeno dos Santos waxa Maxkamadda Sare la hor geeyey Isniintii isaga iyo saddex qof oo kale oo la eedaysan oo iyagana lagu soo oogay maydhaan lacageed iyo lunsi hanti qaran. Waxaana ka mid ah dadkaas gudoomiyihii hore ee bankiga dhexe Valter Filipe da Silva.