Maxaa la gudboon dhinacyada siyaasadda ee Galmudug?

Xigashada Sawirka, SONNA
Waxaa maalmihii la soo dhaafay aad loo hadal hayay xaaladda siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay maamulka Galmudug, kadib markii dowladda federaalka ay sheegtay in doorashada maamulkaas la qabanayo bisha soo socota.
Madaxweyne Xaaf oo waayahan ka biyo diidsanaa in muddo ah xilkiisii uu dhamaaday ayaa shalay waxaa uu gebi ahaanba ka guurey magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ahayd maamulkiisa, isaga oo ay meesha ka kaxeeyeen ciidamo la sheegay inay ka yimaadeen magaalada Gaalkacayo.
Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in shalay uu ku hoydey tuulo yar oo lagu magacaabo Godinlabe, taas oo u dhaxaysa Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Ahlu Sunnah oo qeyb ka ahayd xukuumadda Madaxweyne Xaaf ayaa iyagu horay u taageeray go'aanak dowladda ee ahaa in doorasha la qabto, hase yeeshee Madaxweyne Xaaf oo u muuqday nin ka careysan go'aankan Ahlu Sunnah ayaa warqad uu soo saaray xilli dambe wuxuu ku sheegay in doorasho madaxtinimo lagu qabanayo magaalada Cadaado, islamarkaasna uu burburay heshiiskii Jabuuti ee Ahlu Sunna uu la galay.
Dhinacyada siyaasadda ee Galmudug oo ay ka mid yihiin Ahlu Sunnha iyo gabarbka Madaweyne ku xigeenka oo siyaasad ahaan ay is waafaqasan yihiin dowladda Federaalka ayaa isku racaay in doorasho la qabto, balse weli waxaa lagu kala aragti duwanyahay halka ay ka dhacayso iyo qaabka ay u dhacayso.

Maxamed Caalin oo darsa arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in waxwalba oo ka taagan Galmudug heshiis laga gaari karo, haddii dhinacyada ay tanaasul sameeyaan.
"Marka kasta waxay ku xiran tahay siyaasiyiinta iyo waxgaradka reer Galmudug, si la isugu waafaqo halka doorashada ay ka dhaceyso, waxaan fiicnaa in dowladda ay meel ka soo dhaqaaqdo, Madaxweyne Xaaf na soo dabco, cadaado na la isugu yimaado oo ah halkii ay doorashadii hore ay ka dhacday, " ayuu yiri Caalin.
Wuxuu intaa raaciyay in haddii talada aysan cid gaar ah isku koobin, heshiis la gaari karo.
"Inta ay jirto kooxeysi iyo aniga iri oo mas'uuliyadda laga qaadayo aqoonyahanada, xildhibaanada, dumarka iyo dhalinyarada oo gacanta laga saarayo siyaasiyiinta oo kaliya way adag tahay in Galmudug iyo meelaha lamidka ah xal siyaasadeed laga gaaro, biseyl siyaasadeed na ma iman karo, haddii aanan shacabka deegaanka lagu wareejiyo mas'uuliyadda", ayuu raaciyay Caalin.
Warqad uu shalay soo saaray madaxa xukuumadda Galmudug oo fadhigiisu yahay Magaalada Dhuusamareeb ayuu ku sheegay in doorashada Galmudug ay ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb, waxaana go'aankaas ku waafaqay Dowladda Federaalka.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Federaalka oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa isna warqad uu soo saaray ku sheegay in doorashada la qabanayo 4-ta bisha Luuliyo.
Walow dad badan ay qabaan in xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ay tahay mid xasaasi ah ayaa haddana waxaa muuqata in sidii hore aysan ahayn, maadaama Madaxweyne Xaaf la sheegay in uu oggolaaday in doorasho la qabto, taas oo aan markii hore jirin, balse waxa haatan ay tahay in diiradda la saaro ay tahay dib u heshisiin iyo sidii la sigu waafaqi lahaa halka ay doorashada ka dhaceyso iyo cida qaban qaabineyso.










