Habeenkii waa maxbuus, maalintiina waa xor

Xigashada Sawirka, Reuters
Samhi Moustafa waxaa uu maalin walba ku safraa inta u dhaxeyso gurigiisa oo ku yaalla meel u dhaw magaalada Qaahira iyo Bani Sweif oo ah gobol, si uu ugu hogaansamo amarka booliska.
Ninkan ayaa safra 200 oo kilo mitir, si uu u tago saldhiga booliska, habeenkiina uu dib ugu laabto gurigiisa.
Samhi oo ah wariye u dhashay dalka Masar ayaa isagoo ku jira safarkaas wuxuu galay shil baabur, oo dhaawac culus uu ka soo gaaray, hasa yeeshee waxaa uu ku qasabn yahay in uusan ka baaqanin tegitaanka saldhiga booliska, oo haddii uu sameeyana lagu soo rogayo ciqaab intaa ka weyn.
Samhi ayaa maalin walba waxaa laga rabaa in 12 saacaadood uu maalintii ku sugnaado xarunta booliska, taas oo loo yaqaano ciqaab dheeraad ah. Waxa uu horay u soo dhameeystay shan sano oo xabsi oo uu dhameystay sannadkii aynu soo dhaafnay.
32 jirkaan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in uu baahiyay "warar been abuur ah" oo gacan siinayay ururka Ikhwaanul-muslimiin ee haatan laga mamnuucay dalkaas sannadkii 2013-kii.
Wararkii uu markaasi tabinayay ayaa waxa ay sababeen dibadbaxyadii horseeday doorashadii lagu doortay Madaxweynihii hore ee Masar, Maxamed Morsi, balse Sahmi ayaa iska fogeeyay eedeeymahasi oo waxa uu sheegay in uu shaqadiisa gudanayay.
Samhi, oo bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka gaarigisa ee uu shilka ku galay ayaa markaasi kadib muteeystay bil kale oo xabsi ah. Arrinkan ayuu ku muteestay maqnaashihii uu ka maqnaa xarunta booliska intii uu la xanuunsanaa dhaawicii ka soo gaaray shilka.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Samhi oo kaliya ma ahan dadka kiiskasas kuwaasi la mid ah loo haysto oo waxaa jira siyaasiyiin, wariyeyaal iyo dad u dhaqdhaqaaqa arrimaah bulshada, kuwaas oo ku xiran dalka Masar.
BBC-da ayaa xiriir la sameeysay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar, si ay wax uga weydiiyaan arrimahan, balse wax jawaab ah kama aysan helin.
Xarun boolis oo ku taalla bannaanka magaalada Qaahira ayaa waxaa ku sugan nin lagu magaacaabo Rami oo maalinkasta laga rabo in uu soo xaadiro xarunta booliska inta u dhaxeyso 6-da maqribnimo ilaa iyo 6-da subaxnimo Saddexda sano ee soo socota.
"Ma shaqeysan karo, qooys ma yagleeli karo, waxaan ahay qof aan waxba qabsan Karin", ayuu yiri Rami. Rahmi muddo saddex sanadood ayuu isagana xabsiga ku soo qaatay isagoo lagu soo eedeeyay in uu ka qeeyb qaatay mudaharaadyo sharci darro ah sannadkii 2014-kii.
Rami, oo weli ku jira da'da labaatameeyada ayaa laga soo eryay mac'hadkii uu dhiganayay kadib markii uu xabsiga galay, haataanna waxaa dhanka dhaqaalaha ka taageero qoyskiisa.

Xigashada Sawirka, SAMHI MOUSTAFA
Rami ayaa waxaa kale oou uus heegay 12 saacadood oo habeenkii ah ku dhameeysto banaanka saldhiga booliska, isagoon haysanin meel gabaad ah.
Maalin kasta waxa uu la yimaadaa cashadiisa, waxaana loo ogol yahay in uu akhristo buugaagta oo kaliya, balse looma ogola in uu isticmaalo aaladaha elektaroonikada. Qaar ka mid ah xarumaha booliska ayaa dadka noocaas ah u ogol inay soo qaataan bustooyin ay dhaxanta isaga celiyaan.
Inta badan xiqaabta noocaan oo kale ah ayaa waxaa loo adeegsada dadka u dhaq-dhaqaaqa arrimaha siyaasadda kuwaas oo dhaleeceya madaxweyne Cabdul Fataax Al-Sisi ama kaalin ka qaatay kacdoonkii 2011-kii kaasi oo sababay in xilka laga tuuro Madaxweynii hore ee dalkaasi Hosni Mubarak.
Waxaa la dajiyay sharciyo dhawr ah oo lagu xaddidayo dibadbaxyda kuwaasi oo wiiqaya suuragal-nimada ah in ay dhacaan dibadbaxyo ay dhigaan shacabka.
Haatan dalka masar dibabxayda meesha kaliya ee lagu dhigi karo waa baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter.
Sannadkii la soo dhaafy, 215 eedeeysane oo uu ka mid yahay sawir qaade caan oo loo yaqaano Shawkan ayaa min shan sano oo xabsi lagu xukumay iyo min shano oo xabsi galin ah.
Shawkan waxaa la soo daayay bishii Maarso ee sannadkan, balse ragga sida Samhi iyo Rami ayaa weli maraya xabsiga galin.










