Muxuu Facebook ka yeelayaa cinwaanada dadka dhintay?

Xigashada Sawirka, Facebook
Sharikadda Facebook ayaa sheegtay in ay ka shaqaynayso qalab ay uga hortagayso dhibaatooyin guud oo murugo leh: oo ah qoraallada lagu wargeliyo dadka ee ku saabsan asxaabtii iyo eheledii geeriyooday.
Sharikadda ayaa sheegtay in haddii qofku in muddo ah tusaale ahaan sannad oo kale aanu si joogta ah u isticmaalin Facebook-giisa ay kasoo qaadayso sharikaddu in qofkaasi uu dhintay, sidaas darteedna lagu xayirayo bogga uu qofkaasi Facebook-gga uu ku lahaa.
Mararka qaar waxaa dhacdaa in qof beri hore dhintay uu Facebook-ggu soo qoro hambalyada dhalashadiisa, arrintaas oo ay ka naxaan marka ay arkaan asxaabtiisa ama ehelkiisa.
Sharikadda ayaa sheegtay in ay ku rajo wayn tahay in ay joojiso arrimaha naxdinta leh ee ka dhasha marka facebook-ggu uu soo dhigo waxyaabaha la xiriira dad beri hore dhintay, oo sharikaddu ay soo qorto hambalayo ku saabsan dhalashadiisa dhalashadiisa.
Dadka facebook-gga adeegsada ayaa waxaa usoo baxa farriimo la xiriiro qof dhintay, halka boggii Facebook-ga ee qofkaas dhintay uu yahay sidii uu uga tagay markii uu geeriyooday.
Dadka isticmaala Facebook-gga ayaa cabasho ka muujiyaa sida y uga xumaadaan marka uu Facebook-gga soo xusuusiyo waxyaabo la xiriira dadkii ay jeclaayeen ee geeriyooday.
Facebook-gga ayaa ku dhawaaqay isbaddalo lagu samaynayo qaabka shabakaddan loogu matalayo dadkii dhintay. Waxaana uu samayn doonaa qaab cusub oo loo xasuusto looguna tacsiyeeyo dadkii geeriyooday ee bogagga ku lahaa Facebook.
""Waxaan rajeneynaa in Facebok-gga uu noqdo meel loogu dabaal dago xusuusta iyo dareenka dadka aynu jecelnahay oo aynu ugu dabaal degno noolashooda". Ayay tiri Sheryl Sandberg oo ah Madaxa howlaha shirkadda Facebook.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaar kamid ah dhageysteyaasha BBC-da oo sheekadan aan ugu gudbinnay boggayaga Facebook-gga oo aragtidooda kasoo dhiibtay ayaa intooda badan waxay soo dhaweeyeen tallaabadan uu facebook-ggu qaadayo.
Qaar kamid ah dhagaysteyaasha ayaa nala wadaagay xusuus soo martay oo ku saabsan in Facebook-ggu uu soo xusuusiyey asxaabtoodii ama eheladoodii geeriyooday.
Waxaana kamid ah:
Cabdirisaaq Xasan oo jooga Norrköping sweden waxa uuna yidhi: "Muddo laga joogo 6 sano waxaa dhintay saaxiibkay oo ku dhinaty dooni maraysay inta u dhexaysa Liibiya iyo Talyaaniga, sannad walba facebook-ggu waxa uu isoo xusuusiyaa dhalashadiisa waxa uuna ii soo saaraa xilliggii ay dhalashdiisu ku beegnayd, waxaan isku dayaa in aan boggiisa galo oo aan daawado sawirraddiisa, xusuus ayuu igu reebaa waa uu ii duceeyaa".
Mustafe Ridwaan Cabdiraxmaan waxa uu joogaa Burco waxa uu asna yidhi: Waa tallaabo fiican oo goor hore loo baahnaa.Waxaa jirta in nin nanu saaxiibbo ahayn uu geeriyooday Sannadkii 2016-dii bishii February sanadkast bishan oo kale wuxuu Isoo Xasuusiyaa tacsidii Aan ka diray maalintaas isla markaana waa uu shaqaynayaa Facebook-ggiisii markaa in qofkaas la joojiyo Account-kiisa waa arrrin aan soo dhawaynayo".
Cabdikheyr Mataan oo jooga, Mozambique Waxa uu yidhi "Runtii arrintaan waa xaqiiq oo shalay oo ay taariikhda ku beegneyd 9-ka bishan April waxaa ii soo dhacay notifications oo birthday ah (Wargelin dhalasho ah) waana dhowr qof oo uu ka mid yahay saaxiibkay igu qaali ahaa oo dhamaadkii 2016-dii aan Nairobi wada joognay bilowgii sannadkii 2017-kii, Waxaa uu aaday Soomaaliya si uu hooyadiisa usoo booqdo balse maalmo kooban kadib xanuun ayaa kusoo boodey waa uu geeriyoodey. Naxddinta maalintaas runtii waxaa iiga darneyd middii shaley aan la kulmay waa arrin wanaagsan in hawada laga saaro ciwaanada noocaan oo kale ah"










