Maxaa sababay in Al Shabaab ay kordhiso dhaqdhaqaaqyadeeda?

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Al Shabaab

Waxaa toddobaad laga joogaa markii kooxda Al Shabaab ay weerartay dhsimaha DusitD2 ee magaalada Nairobi, halkaas o ay ku dhinteen dad gaaraya 21 qof.

Xarakada Al-Sabaab ee uu fadhuigeedu yahay dalka Soomaalia ayaa dhawaan sare u qaadday weerarradeeda iyadoo dhanka kalena ay waayadii dambe sii xoogeysanayeen dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay, waxay kooxdan sheegatay mas'uuliyadda weerarro khasaare kala duwan geystay oo ka kala dhacay deegaanno ku yaalla gudaha Soomaaliya iyo meelo ka baxsan.

15-kii bishan Janaayo, ugu yaraan 14 ruux ayaa lagu dilay weerar ku billowday qarax oo ka dhacay Hoteel ku yaalla caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, kaasoo ay Al-Shabaab mas'uuliyaddiisa dusha u ridatay.

Maalintii Jimcada ahayd, kolonyo gaadiid ah oo ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ayey dabley ka tirsan Al-Sahaab u galeen waddada isku xirta magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba.

Wali si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas, oo aysan wax war ah kasoo saarin taliska ciidanka Itoobiya.

Sidoo kale maalmo ka hor, weerar ayaa lagu qaaday saldhigga Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, kaasoo ay Al-Sahaab sheegtay iney waxyeello ugu geysatay ciidankii ku sugnaa.

Dad badan ayaa filayay in awoodda Al-Shabaab ay wiiqanto xilli dagaal ay kula jiraan ciidamada Amisom oo gacan siinaya kuwa dowladda Soomaaliya iyo diyaaradaha Mareykanka oo duqeymo la beegsada.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Al Shabaab

Maxaa sababi kara sare u kaca howl gallada Al-shabaab?

Cabdiraxmaan Yuusuf Sahal oo ka faallooda arrimaha amniga ee gobolka ayaa wareysi uu siiyay BBC-da uga hadlay dhowr arrimood oo horseedaya in Al-Shabaab ay qaaddo weerarro culus.

"Al-Shabaab waa urur jiray tan iyo sannadkii 2007-dii, ilaa haddana lama burburinin, awooddii ay dowlad yeelan lahayd ayuu leeyahay, haddey noqoto dhaqaale, haddey noqoto ciidan, siyaasad, warbaahin iyo dhulba. Marka wax lala yaabo ma aha iney weerarro noocanoo kale ah fuliyaan", ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Al-Shabaab ay sii xoogeysanayeen marba marka kasii dambeysa.

"Wali iima muuqdo dagaal dhab ah oo lagula jiro Al-Shabaab, ma maqlin weerar lagu qaaday oo looga qabsaday hub iyo hanti fara badan, ma arkin waxyeello loo geystay oo maamulkooda lagu burburiyay. Inkastoo dagaal lagula jiro, ma aha dagaal lagu jabiyay".

Falalkii ugu dambeeyay ee ay Al-Shabaab geysatay ayaa kusoo beegmay xilli labadii sano ee lasoo dhaafay ay dowladda Mareykanka si xowli ah sare ugu qaadday weerarrada dhinaca cirka ah ee lagu bartilmaameedsanayo kooxdan.

Tan iyo markii uu xilka madaxweynaha dalka Mareykanka qabtay Donald Trump, waaxda gaashaan dhigga Mareykanka ayaa fasax loo siiyay iney go'aanno dheeri ah ka qaataan meelaha iyo wakhtiyada ay duqeymaha ku beegsadaan xoogagga Al-Shabaab, balse kooxdan ayaa wali u muuqata in awooddeeda aysan is dhimin.