"Mareykanka wuxuu Suuriya uga baxayaa Ruushka awgiis"

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ciidammada Mareykanka ee jooga Suuriya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si weyn loogu dhaliilayaa go'aanka uu ciidammada ka jooga dalka Suuriya uga soo saarayo, xilli la sheegayo in wali aan xal rasmi ah la helin.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo kala jeeda labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraaddiga ayaa muujiyay sida ay uga niyad jabsanyihiin tallaabadaasi uu amarka ku bixiyay madaxweyne Trump. Guddoomiyaha guddiga xiriirka caalamiga ah ee aqalka saree e Mareykanka Senetor Bob Corker ayaa ka mid ah dadka sida weyn uga walaacsan arrintan, wuxuuna ku tilmaamay mid aad u xun.

Waxa uu sheegay in xildhibaannada aqalka sare u fadhiya xisbiga Jamhuuriga ay aad ula fajaceen, kana xumaadeen in Mr Trump uu garabkooda ka baxayo Kurdiyiinta iyo Carabta ay xulafada la yihiin, isagoo u beer jileecaya Turkiga iyo dowladda Suuriya ee uu madaxweynaha ka yahay Bashaar Al Aasad.

Saraakiisha sar sare ee wasaaradda gaashaan dhigga Mareykanka ayaa lagu soo warramay in iyaguna ay isku dayeen iney madaxweyne Trump ku qanciyaan inuusan ciidanka ka soo saarin halkaasi, waxayna ku doodayaan in tallaabadaasi ay sare u sii qaadi karto saameynta ay Suuriya ku leeyihiin waddamada Iiraan iyo Ruushka.

Sidoo kale, Lindsey Graham oo ka tirsan senetarada xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in soo saarista ciidammada Mareykanku ay khalad tahay.

"Waxaan rumeysanahay in ururka ISIS aan looga adkaan waddamada Ciraaq iyo suuriya, dhowr bilood ka hor ayaan halkaas tagay. Inkastoo la wiiqay awoodda ururkaasi, haddana ciidammadeena waxay halkaasi u joogaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen inuusan ururka ISIS dib u soo laaban. Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee ay ciidammadeena halkaasi u joogaan ayaa ah iney difaacaan kurdiyiinta, oo si geesinnimo leh nooga soo barbar dagaallamay".

Ujeeddada ugu weyn ee ay ciidammada Mareykanka xilligan u joogaan Suuriya ayaa lagu sheegay iney taba barro siiyaan kooxaha dagaalka kula jira Kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ah ee Daacish.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ciidammada Mareykanka

Maxay tahay sababta uu Mareykanka uga baxayo Suuriya?

Dr Axmed Sheekh Maxamed Tiir oo falanqeeya arrimaha caalamka ayaa BBC-da uga warramay waxa xilligan ku soo beegay in ay Mareykanka ka baxaan Suuriya.

"Sidaad ogtahay, ISIS waxay noqdeen ururkii ugu horreeyay adduunka ee isagoo argagixiso ah la wareegay dhul baaxad weyn leh. Ciraaq iyo Suuriya ayey dhul ballaaran ka qabsadeen, markaasi ayey xuduudii isku fureen oo ay hal dowlad ka sameysteen. Marka waxay ahayd arrin adduunka ku cusub oo ay tahay in lala dagaallamo. Ciraaq waa lagu la dagaallamay waana laga saaray, Suuriyana waxaa kooxdan lagu la dagaallamay 4 waji oo kala duwan, haddana awooddoodii way wiiqantay, laakiin wali shacabka ayey ku dhex milmeen. Marka Mareykanku wuxuu aaminsanyahay in uu dagaalki dhammaaday sidaasna ay ciidankooda kula baxayaan".

Hase ahaatee Dr Axmed ayaa sheegay in sababta dhabta ah ee Mareykanka uu Suuriya uga baxayo aysan u muuqanin taasi.

"Inta badan Mareykanka ciidammadiisa kama dagaallamaan waddan aan batrool iyo dhaqaale lahayn. Marka hadda markii Suuriya Daacish laga saaray, sabab uu u joogo ma laha waayo Ruushka ayaa Suuriya gacanta ku haya. Labo khatar oo kaliya ayuu Mareykanku ka ilaalinayay halkaasi, tan koowaad oo ah inuu daacish baabi'iyo, tan labaad oo ah inuu ilaaliyo danaha Israa'iil, maadaama ay Israa'iil xuduud la leedahay Suuriya. Labadii arrimoodba hadda waxaa damaanad qaadaya ciidammadii Ruushka ee meesha joogay. Iiraan iyo Turkiga door weyn kuma laha waxayna ku daba gabadaan Ruushka. Marka haddii uu Ruushka meesha joogo, inta badan isku meel ma wada joogaan ciidammada Mareykanka iyo kuwa Ruushka, waa labo dowladood oo mar walba door bida iney kala wareegsadaan".

Dalka Suuriya oo dagaal sokeeye ku jiray tan iyo sannadkii 2011-kii ayaa waxaa xaaladdiisa ku lug leh dalal badan.