Marxaladihii ay soo martay doorashada Koonfur Galbeed
Bashiir Maxamed Caato
BBC Somali, Nairobi

Xilli maanta magaalada Baydhabo ay ka dhaceyso doorashada madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa doorashadani waxaa ay soo martay marlaxado kala duwan.
Madaxweynihii iscasilay ee Koonfur Galbeed, Shariif Xassan Sheekh Aadan oo tan iyo markii la asaasay maamulkaas shukaanta u hayay ayaa xilka isaga dagay isagoo wattigiisa uu wax yar uga harsanyahay, kadib cadaadis siyaasadeed.
Shariif Xassan ayaa horay u sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka, inkastoo markii uu iscasilay uu sheegay in uu ka haray tartanka doorashada.
"Faragelinta Dowladda Federaalka"
Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa horay u sheegay in Dowladda Federaalka ay faragelin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed, isagoona xiligaasi ugu baaqay in ay faraha kala baxdo doorashada.
Xiliga uu Shariif Xassan ku eedeynayay Dowladda faragelinta ayaa waxaa dalka ka tagnaa khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyda, waxaana madaxda maamul goboleedyada ay xiligaasi qabeen fikrad ah in dowladda ay si toos ah faragelin ugu heyso doorashada.
Sidoo kale qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed oo BBC-da la hadlay xiligaasi ayaa sheegay inay habboontahay in dib loo dhigo doorashada, iyagoo Dowladda Federaalka ugu baaqay inay joojiso ''faragelin'' ay shegeen inay ku heyso doorashada Koonfur Galbeed.
''Intii jawi degan laga helayo, dadkana lagala hadlayo oo xaaladda ay ka degeyso waxaan ugu baaqnay guddiga doorashada iyo ku-simaha madaxweynaha in dib loo dhigo doorashada'', Sidaasi waxaa yiri Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah odayaasha Koonfur Galbeed.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay wadato shakhsiyaad ay dooneyso inay ku guuleystaan doorashada, waxaana ay ugu baaqeen inay joojiso faragelinta.

Xigashada Sawirka, Reuters
Xariga Mukhtar Robow
Mukhtar Robow Abuu Mansuur oo si nabad ah isugu soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya bishii Agoosto ee sannadkii 2017-kii ayaa waxaa uu ku dhawaaqay inuu isaga baxay ururka Al Shabaab ee uu xilalka sare ka soo qabtay.
Hase ahaatee, dad badan wuxuu uga yaabsaday mowqifkiisii uu ku shaaciyay inuu ka qeyb galayo doorashada madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed, isagoo billaabay ol'ole siyaasadeed oo xoog leh.
Mukhtaar oo ka mid ahaa musharraxiinta ugu cadcad doorashada ayaa Dowladda Federaalka waxay ka soo xirtay magaalada Baydhabo maalintii khamiista ahayd ee 13-kii bishan Diseembar, iyadoo na ku eedeesay in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isasoo dhiibay iyo in uu hub iyo ciidamo u gaar ah isaga geeyay magaalada Baydhabo, kuwasi oo ay sheegtay dowladdu in ay khatar ku yihiin amniga magaalada Baydhabo.
Qaar kamid ah xildhibanaada barlamaanka ee Dowladda Federaalka iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa dowladda ugu baaqay inay Mukhtar Robow u oggolaato in uu ka qeyb galo doorashada, hase yeeshee dowladda ayaa iska indha tirtay baaqaasi.
Mukhtar ayaa ka soo baxay dhamaan shuruudihii looga bahnaa ee doorashada, waxaana u harsaneyd oo keliya jeedinta khudbaddiisa ku saabsan ajandaha maamulkiisa.
Guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa iyagu na sheegay in aysan u banaaneyn tallaabo aan ka aheyn in Mukhtar Robow ay ka saaraan liiska musharixiinta ka qeyb galaya doorashada.
Dib u dhacyada ku yimid doorashada Koonfur Galbeed
Waxaa dhowr jeer oo hore dib loo dhigay doorashada madaxtinimada ee Koonfur Galbeed.
Guddomiyihii hore ee doorashada iyo xubno katirsanaa guddiga doorashada ayaa iscasliay, taasoo sii xoojisay xasaradaha siyaasadeed ee hareeyay doorashada.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in dib u dhaca doorashada ay ugu wacan tahay in aana wax tababar ah loo fidin qaar kamid ah guddiga doorashada isla markaana aan la barin sidii ay ula socon lahaayeen qaabka iyo nidaamka doorashada.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Xaaladda amni ee magaalada Baydhabo
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo waxa ay 30-kii bishii Nofeemabar geysay ciidamo boolis ah oo ay sheegtay inay sugayaan amniga magaalada.
Wasiirka amniga ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in iyagu ay dalbadeen ciidammadaasi.
"Waa sax wey jirtaa in ciidamo boolis ah oo heer federaal ah la keenay magaalada Baydhabo, mana ahan markii ugu horreysay ee la keeno magaalada Baydhabo ciidan boolis ah oo federaal ah, horeyna wey u joogeen, Insha Allah kuwa kale oo badanna waxaan rajeyneynaa in la keeno. Waad la socotaa deegaanka waxaa ka jirta doorasho, doorashada waxaa la rabaa inay ku dhacdo si nabad ah," ayuu yiri Wasiirka amniga ee Koofur Galbeed.
Xariga Mukhtaar Roobow ayaa sidoo kale walaac hor leh ku keenay xaaladda magaalada Baydhabo, kadib markii dad ka careysan xarigiisa ay dibad bax ka dhigeen magaalada.
14-kii Diseemabar ayaa sidoo kale magaalada Baydhabo lagu dilay guddoomiyihii guddiga amniga ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaan Cabdishakuur Yacquub Buulle, waxaana magaalada ka dhacay rabshado u dhexeeya ciidammada ammaanka iyo dad ka careysnaa xiritaanka Mukhtaar Roobow, waxaana rabshadahaasi sidoo kale ku dhintay wiil yar oo 10 jir ah.
Dadka deegaanka ayaa ciidammada Itoobiya ee jooga halkaasi ku eedeeyay inay ka dambeyeen xariga Mukhtar Roobow, inkastoo midowga Afrika ay shegeen in aysan wax lug ah ku laheyn xariga Mukhtaar.










