Liibiya: Dabley ku hirdamaysa daafaha magaalo madaxda

Xigashada Sawirka, AFP
Waxa dagaallo ku dhex mareen duleedka koonfureed ee magaalo madaxda Liibiya maleeshiyaad col ah waxaana ku dhintay ugu yaraan hal qof oo rayid ah, saddex kalena way ku dhaawacmeen sida uu sheegay maamulku.
Aroornimadii hore ee shalay ayaa dadka halkaa degani sheegeen inay ku war heleen dayaanka tacshiirad culus oo la is weydaarsanayo.
Sawirro aan la xaqiijin karin oo lagu baahiyey baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka ayaa iyaguna muujinayey kaarayaal la sheegay in la dhigay mid ka mid ah xaafadaha magaalada.
Dagaalkaasi waxa uu u dhexeeyaa laba maleeshiyo oo col ah waxaanu ku kooban yahay xaafadaha koonfureed ee magaalo madaxda Liibiya. Ilaa haatan ma cadda waxa isku dhacan ugu dambeeyey huriyey, laakiin bilihii u dambeeyey ba waxa isa soo taraysay xiisadda u dhexaysa kooxaha hubaysan ee ku sugan magaalada Tripoli.
Saraakiil ku sugan Tripoli ayaa sheegay in nin lixdan jir ah lagu dilay tacshiiraddii la is waydaarsanayey ugu yaraan saddex kale oo rayid ahina ku dhaawacmeen oo uu ku jiro ilmo yar oo firidh ku dhacay, waxaana khasaarahaa geystay duqaynta aan loo aabo yeelayn ee ku socotay xaafadaha rayidku deganyihiin.
Dad aaggaa degan iyo diblomaasiyiin shisheeye ah oo BBC-da la hadlay ayaa si gaar ah uga dardaar weriyey in kooxaha badan ee dableyda ah ee ku sugan gudaha iyo dibadda magaalada Tripoli ay dagaalkaa bilaabmay ee loogu loolamayo gacan ku haynta magaalo madaxda soo geli karaan.
Xukuumadda Liibiya iyo ergada Qaramada Midoobay ee dalka ku sugan ayaa labaduba dagaalkan u dambeeyey cambaareerey waxaanay ku baaqeen xabbad joojin degdeg ah.










