Caruur kale oo lagu laayay dalka Yemen

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sarkaal sare oo katirsan hey'adaha gargaarka ee Qaramada midoobay ee dalka Yemen, waxaa uu sheegay in dad horleh lagu dilay gudaha dalkaasi.
Mark Lowcock oo ah Madaxa gargaarka Qaramada midoobay ee dalka Yemen, waxaa uu sheegay in 22 caruur ah iyo afar dumar ah ay ku dhinteen duqeymo horleh oo ay fuliyeen xulafada uu hogaamiyo Sacuudiga.
Dadkan ayay duqeyntu haleeshay xili ay ka baxsanayeen dagaal ka socday magaalada dekedda leh ee Hudaida.
Sidoo kale duqeyn kale oo ka dhacday meel aan ka fogeyn halka uu weerarkaasi ka dhacay ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen caruur kale oo aan la garaneyn tiradooda.
Horaanti bishan ayay aheyd markii duqeymo ay fuliyeen xulafada uu hogaamiyo sacuudiga oo lala eegtay bas ay sarnayeen arday ay ku dhinteen caruur gaareysa afartan.
Dalal badan oo caalamka iyo Qaramada midoobay ayaa ku baaqay in la samaeeyo baaritaan madaxbanaan oo ku aadan weerarka.
Mr Lowcock ayaa ku baaqay in baaritaan madaxbanaan lagu sameeyo dhacdadan, waxaan hadalkiisa uu imaanaya xili hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku edeeyen xulafada Sacuudiga in aysan dooneyn baaritaan lagu sameeyo dembiyada dagaal ee ay ka geystaan dalka Yemen.










