You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Kuuriyada Koonfureed oo hakisay dacaayadaha ka dhanka ah Pyongyang
Kuuriyada Koonfureed ayaa hakisay dacaayadaha ay ka baahin jirtay sameecadaha ku rakiban xadka ay la leeyihiin Kuuriyada Waqooyi, si loo abuuro jawi wanaagsan oo uu ku qabsoomi karo wadahadalka u dhaxeeya labada wadan.
Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in ayaa maalinta jimcaha ah lagu wadaa inuu la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-Un.
Waa markii ugu horeesay muddo laba sano ah oo Kuuriyada Koonfureed ay joojiso dacaayadaha ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi, waxaana la sheegay in sameecadahani oo ku rakiban xadka labada wadan laga baahin jiray heeso, wararka ku saabsan Kuuriyada Koonfureed iyo shucaac.
Xukuumadda Pyonyang ayaa sidoo kale iyaguna dacaayado kuwan oo kale ah ka baahin jiray sameecado waaweyn.