Maxaa xiisaha u yeellay tartanka kubada cagta ee Maamul Goboleedyada

Tartanka Kubadda cagta ee maamul goboleedyada Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir ayaa hadda gaaray afar dhamaadka.
Waxaa isku soo harray kooxaha Jubbaland,banaadit,Koonfur Galbeed iyo Puntland.
Waxaa isku aaday Puntland iyo Banaadir dhanka kalena Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Ciyaarahan ayaa xiiso gooni ah u yeelay taageerayaasha kubbada cagta gaar ahaan kuwa u daawasho taga garoonka.
Sidoo kale waxaa jira kumanaan mucaashaqiinta kubada cagta ah oo baraha bulshada iyo telefishenada kala socda ciyaarahani.
Sanadkan ayaa la sheegayaa in tartanka uu ka xiiso badan yahay sanadkii hore.
Waxaa jirra dad Muqdisho u tagay in garoomada u gallaan daawashada ciyaarahani.
Sidoo kale taageerayaasha waxaa ka mid ah siyaasiyiin xiise gaar ah usii yeellay tartanka oo gobolada ay taageeraan ciyaartoydooda ballanqaadyo u sameeyey.
Xifaaltanka ugu weyn waxa uu u dhaxeeyaa dhalinyaro kubada jecel oo baraha bulshada siyaabo kala duwan ugu falanqeeya ciyaaraha Muqdisho ka socda.










