You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Imaaraatka oo beeniyey inay ka hor istaageen Mr Shafiiq inuu u safro Masar
Wasiirka arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta, Anwar Gargash ayaa beeniyay in dowladiisa ay ra'iisal wasaarihii hore ee dalka Masar Amed Shafiiq, ka hor istaagtay inuu ka duulo Imaaraat-ka xilli uu kusii jeediyay caasimadda Qaahira ee Masar.
Mr Axmed Shafiiq, oo sheegay inuu doonayo inuu u tartamo xilka madxweynenimo ee doorashada soo socoto ee dalka Masar, ayaa kasoo muuqday telefishinka Al-jazeera isaga oo sheegaya in loo diiday inuu ka baxo dalka Imaaraatka.
Wasiirka Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa ku gacan seeray hadalkaan kasoo yeeray ra'iisal wasaarihii hore Axmed Shafiiq, waxa uuna sheegay in dalkiisa uu martigaliyay Mr Shafiiq, kaddib markii uu kasoo tagay Masar, inkastoo diidma adag uu kala kulmayay mowqifyadiisa qaar.