Madaxweynaha Catalonia oo sheegay inay ku dhawaaqayaan madaxbanaani

BBC
Qoraalka sawirka, Madaxweyne Cales Puigdemont

Madaxweynaha dowlad goboleedka, Carles Puigemont, ayaa u sheegay BBC in gobolkiisa uu iclaamin doono maalma gudahood inuu ka madaxbanaan yahay Spain.

Madaxweyne Cales Puigdemont, waxa uu uga digay dowladda Spain inay sameyneyso qaladkeedii ugu dambeeyay haddi ay soo faragaliso ayna la wareegto Catalonia.

Hoggaamiyaha Catalonia oo bixiney wareysigiisii ugu horreeyay tan iyo markii ay qabsoontay aftidii lagu murmay maalintii Axada, ayaa sidoo kale waxa uu ku dhalleeceeyay Midowga Yurub inay ku guuldareysteen cambaareynta rabshadaha baahsan ee ay booliisku Spain geysteen, markii ay u dhaqaaqeen inay carqaladeeyaan codbixintii socotay.