Ghana iyo Ivory Coast oo maxkamad ku kala baxay

Maxkamad caalami ah ayaa go'aamisay in Ghana aanay ku xadgudbin madax bannaanida dhulka ee Ivory Coast, ka dib markii ay xukuumadda Accra bilowday inay shidaal ka qodo xuduud badeed ay ku muransan yihiin.
Ghana ayaa saddex sano ka hor dacwadda gaysay Maxkamadda Caalamiga ah ee gaarka u ah Sharciga Badaha, ka dib markii Ivory Coast ay ku eedaysay inay shidaal ka baarayso meel ka mid ah baddeeda.
Xukuumadda Accra ayaa sheegtay inay baaritaanka tobanaan sano deegaankaasi ka waday, xitaa ka hor inta aanay Ivory Coast eedeynta usoo jeedin.
Inkastoo Ghana ay leedahay keyd shidaal oo badan, ayaa haddana qiimaha hoos u socda ee shidaalka wuxuu dhaliyay inuu yaraado dhakhliga laga filayay.






