You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Duufaanka Maria oo ku dhufatay jasiiradda Dominica
Duufaan xoogle ayaa ku dhufatay jasiiradda Dominica ee bariga Caribbean-ka, xarunta saadaasha duufaannada Maraykankuna waxay sheegtay in duufaanta Maria ay tahay mid xoogan oo masiibo dhalin karta quwaddeeduna tahay heerka shanaad.
Dabaylaha duufaantan yaa jaraya xawaare dhan labo boqol iyo lixdan kiiloo mitir saacadiiba. Dadka jasiiraddaa ku dhaqan ayaa marka horeba u sii diyaar garooobay duufaantan oo waxay guryaha ku sii kaydsadeen biyo nadiif ah iyo cunnada aasaasiga ah.
Markii ay duufaantani ku dhufutay jasiiradda ka dib ayaa ra'isal wasaaraha Dominica, Roosevelt Skerrit, waxa uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook "saqafkii gurayga wuu ka duulay, duufaankaana na garaacaya gurigana dad baa ka buuxa".
Waxaanu intaa ku daray in dhawr daqiiqo ka dib kooxaha gargaarku samato bixiyeen. Gegida diyaaradaha ee Dominica iyo dekedaha ayaa la xidhay.