You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Argentina oo loolan adag ugu jirta ka qeyb galka koobka adduunka
Iyadoo sanad ay ka harsantahay ciyaaraha koobka adduunka ayaa waxaa loolan adag loogu jiraa sidii qaran walba uu uga qeyb geli lahaa tartanka kubadda cagta ee sanadka dambe ka dhici doona dalka Ruushka.
Ciyaarihii maanta oo Arbaca ah dhacay waxaa ka mid ahaa ciyaar dhexmartay dalalka Argentina iyo Venezuela, taa oo kusoo idlaatay barbaro 1-1 ah, waxaana Argentina ay haatan haysataa 24 dhibcood.
Argentina oo afar mar oo hore ku guuleysatay koobka adduunka ayaa haatan u muuqata in aysan ku soconin dardartii hore.
Xulka Brazil oo durbaba ka mid noqday wadamada ka qeyb geli doona koobka adduunka ee 2018, ayaa haysta 37 dhibcood, waxaana kusoo xigta xulka qaranka ee Uruguay oo isaguna haysata 27 dhibcood, halka Colombia-na ay haysato 26 dhibcood.