Wayne Rooney oo la qabtay isagoo cabsan

Booliska waqooyi galbeed ee ingiriiska ayaa sheegay in kaptankii hore ee xulka qaranka kubadda cagta ee Ingiriiska, Wayne Rooney lagu soo oogay dacwad ah in uu baabuur kaxeynayay isagoo cabsan.

Booliska ayaa sheegay in Rooney la joojiyay isagoo wato baabuur nooca volkswagen maalintii jimcaha.

Rooney ayaa markii dambe lagu sii daayay damiin, waxaana 18-ka bishan lagu wadaa in la horkeeno maxkamad.

Rooney oo bishii aynu soo dhaafnay ka fariistay ciyaaraha xulka qaranka ee Ingiriiska ayaa intii uu u dheelayay xulkaasi waxaa uu u dhaliyay goolal badan, Waxaana xili ciyaareedkan uu markale dib oogu biiray kooxda Everton oo uu horay uga tirsanaa kahor inta uusan kusoo biirin Manchester United.