You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Mugabe oo dumaashidiis xuska dhalashadeeda u haddiyeeyay $60,000
Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa haddiyad ahaan u siiyay dumaashidiis $60,000 (£46,000) sanad-guurada dhalashadeeda, sida laga soo xigtay wargeyska dowladda ee Herald.
Wuxuu wargeysku sheegay in haddiyadda loogu mahad celinayay Junior Gumbochuma, oo ah marwada madaxweynaha walaasheed ka weyn, caawinta ay carruurta Mugabe caawisay.
Mrs Gumbochuma oo ah baadariyad, ayuu wargeyska Herald sheegay in madaxweynuhu uu uga faa`iideystay fursadda xuska dhalashadeeda inuu ku cambaareeyo baadariyada indho-sarcaadka ay sameeyaan lacago uga qaata macaamiishooda.
Dhaqaalaha Zimbabwe ayaa haatan ku jira soo kabasho iyadoo dalku uu la daalaa dhacayo gabaabsi dhanka lacagaha ah, iyadoo aysan oollin lacagta doollarka oo ku filan, taas oo ka mid ah lacagaha dalkaasi laga isticmaalo.