You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Nin xildhibaano Maraykan ah toogtay oo isna la dilay
Nin hubeysan oo rasaas ku furay xildhibaanno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga xilli uu tababar cayaarta baseball-ka ahi ka socday fagaare ku yaalla Washington ayaa dhintay, sida uu sheegay madaxweyne Donald Trump.
Guddoomiyaha Aqlabiyadda Aqalka Wakiillada, Steve Scalise, ayaa ka mid ahaa shan qof oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Alexandria, ee gobolka Virginia.
Ninka weerarka soo qaaday, oo lagu sheegay inuu ka soo jeedo gobolka Illinois laguna magacaabo James T Hodgkinson, ayaa la dilay kaddib markii ay is xabbadeeyeen booliiska.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray labo sarkaal oo qaba dhaawacyo fudud.
Madaxweyne Trump ayaa weerarka ku tilmaamay mid si naxariis-darro ah loo soo qaaday.
Xildhibaannada ayaa u diyaar garoobayay cayaarta sanadlaha ah ee congress-ka oo dadka soo qaban qaabiyay ay wacad ku mareen in sidii qorshuhu ahaa ay uga dhici doonto Khamiista garoonka National Park.
Booliiska Alexandria ayaa sheegay in FBI-du ay la wareegeen baadhitaanka toogashada, oo ka bilaabatay garoonka Eugene Simpson wax yar kaddib toddobadii aroornimo Arbacadii.