You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Turkiga oo laga baroordiiqayo
Booliska dalka Turkiga ayaa baadigoobaya ninkii ka dambeeyey toogashadii dalkaasi ka dhacday.
Weerarkaasi ayaa waxaa lagu dilay 39 qof waxaana lagu dhaawacay dad gaaraya ilaa 45 qof.
Dadkan la laayay ayaa ku jiray goob club ah oo lagu caweeyo habeenkii sanadkan cusub uu bilnayay.
Dadka weerarkaasi ku dhintay waxaa ka mid ah dad wadamada carabta u dhashay.
Magaaladda istabuul ee caasimada dalkaasi Turkiga waxaa lagu qabtay baroordiiq iyo aas dadkaasi loo samaynayay.
Ra'iisul wasaaraha dalkaasi ayaa weerarkaasi cambaareeyey waxuu sheegay in argagaxisadu ay wadan walba joogto.
Dalka Turkiga ayaa waxa uu la kulmayay weeraro kaga imanayay kooxda PKK.
Waloow weerarkabe aysan cidna sheegan.