You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Masaajiddo ku yaal Mareykanka oo loo hanjabay
Urur ay leeyihiin Muslimiinta Maraykanku ayaa sheegay in warqad kooban oo isku mid ah loo diray saddex masaajid oo ku yaalla gobolka California, warqadaas oo hadalka ku qorani ku tilmaamay Muslimiinta dad wasakh ah oo maan gaaban, isla markaana ku wargelisay in ay shandadahooda ka xidhxidhaan Maraykanka.
Warqaddan farriinta nacaybka ah ku xardhanayd ayaa sidoo kale waxay ammaantay madaxweynaha la doortay Donald Trump waxaana ay sheegtay inuu nadiifin doono Maraykanka.
Ururka oo la yidhaa gohala xidhiidhka Muslimiinta Maraykanka, ayaa ku baaqay in boolisku baadho waxa uu ay ku tilmaameen talaabo cagajuglayn diineed ah.
Intii uu ololaha doorashada ku jiray, Trump wuxu sheegay in uu Muslimiinta ka mamnuuci doono in ay galaan Maraykanka ilaa inta laga ogaanayo waxa uu ku sheegay sababta tiro badan oo Muslimiinta ka mid ahi ay u taageeraan colaadda loo qabo dadka Maraykanka ah.