You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Jeneraal Goobaale oo Muqdisho lagu dilay
Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay Jeneraal Maxamed Jimcaale Goobaale oo ahaa taliyihii qaybta saddexaad ee ciidammada qaranka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale qaraxaasi ku dhintay qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Qaraxa ayaa lala beegsaday kolonyo uu la socday jeneraalku.
Qaraxu wuxuu ka dhacay meel aan sidaa uga fogayn wasaaradda difaaca.
Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas.
Waxay ku eedeeyeen in uu maleegayay hawlgalo qarsoodi ah oo iyaga ka dhan ah.