You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Trump oo la kulmay madaxweynaha Mexico
Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Maraykanka, Donald Trump, ayaa wadahadal la yeeshay madaxweynaha Mexico, Enrique Pena Nieto, kulankaasi oo labaduba ay ku tilmaameen mid wax ku ool ahaa.
Mr Trump, oo horay u sheegay in muhaajiriinta Mexico ay yihiin kuwo daroogada ka ganacsada, isla markaana dumarka kufsada, ayaa markan ammaanay dadka Mexico, oo uu ku tilmaamay kuwo dadaal badan.
Kulanka oo muddo saacad ah socday ayaan looga hadlin cidda bixineysa kharashka derbiga uu Trump ololihiisa ku ballanqaaday in uu ka dhisayo soohdinta labada dal ay wadaagaan.
Madaxweynaga Mexico ayaa sheegay in loo baahan yahay wax ka qabashada hubka iyo daroogada dalkiisa kasoo gala dhanka Maraykanka.
Mr Trump ayaa la filayaa in goor dhaw uu khudbad ka jeediyo arrinta muhaajiriinta Maraykanka kunool.