You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Soddon iyo lix ruux oo Ciraaq lagu daldalay
Dowladda Ciraaq ayaa daldashay 36 ruux oo lala xiriinayo xasuuq ay geysteen ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.
Arrinatan ayaa la xiriirta ku dhawaad 1700 oo ciidammo ay dawladdu tababar u waday oo ay qabteen ururkaasi sanadkii 2014-kii, markaas oo ay guulo waawayn ay ka gaareen dalka Ciraaq.
Qabriyada lagu aasay ciidammadan la laayay ayaa la helay kaddib narkii xooggaga dowladda ay dib u qabsadeen goobtii ay dhacdadaasi ka dhacday.
Kooxda ayaa soo bandhigtay sawirro fiidiyow ah oo muujinaya sida ay wax u dhaceen, waxaana markii dambe goobtaasi loogu yeeray "xeradii xasuuqa".
Ciidamada la laayay badan kood Shiico ayay ahaayeen, caradii arrintan ka dhalatayna waxay sababtay in la abaabulo maleeshiyo Shiico ah oo awood badan, lana dagaalanta dowladda Islaamka.