You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Yemen: Duqeyn lagu dilay rayid
Duqeyn cirka oo ay isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ku qaadeen Yemen, ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay sagaal rayid ah.
Weerarka waxa uu ka dhacay tuulo ku taal dibadda magalada Sanca. Waxayna wakaaladda wararka ee Reuters soo warisay in dadka deegaanka ay sheegeen in labo ruux ay dhinteen markii gaarigooda la duqeeyay, halka kuwa kalena ay ku dhinteen dukaan halkaas ku yaal.
Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo ayaa taageeraya dhinaca madaxweyne Abdrabbu Manosur Hadi dagaalka ay kula jiraan falaagada Xuutiyiinta.
Dowladda ayaa sheegtay inay baareyso wararka sheegaya in duqeyn cirka ah lagu dilay dad rayid ah.