Daawo: Kanaalka cusub ee Suez
Masar ayaa furaysa kanaal cusub oo ay ku balaarisay Suez Kanaal, kaasoo ka mid ah wadooyinka ganacsiga ee ugu muhiimsan ee adduunka.
Waxay qaadatay sanad in lagu dhiso, waxaana ku baxday $8.5bilyan.
Dowladda Masar, ayaa rajaynayso kanaalka cusub inuu laba jibaari doono maraakiibta marta uuna dhiirigalin doono ganacsiga adduunka waqti dhaqaalaha uu u baahan yahay koror.