Sawirro weerarka Kenya

Weerarka Kenya

Weerarka ayaa dhacay siddeedii iyo barkii habeenimo iyadoo dadka ay daawanayaan ciyaaraha koobka adduunka.Ilaa afartan iyo siddeed qof ayaa ku dhintay.
Qoraalka sawirka, Weerarka ayaa dhacay siddeedii iyo barkii habeenimo iyadoo dadka ay daawanayaan ciyaaraha koobka adduunka.Ilaa afartan iyo siddeed qof ayaa ku dhintay.
Alshabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarka hotelo iyo saldhig boliis magaalada xeebta ee Mpeketoni.
Dadka deegaanka Mpeketoni ayaa sheegay in weerarka uu socday dhowr saacadood ayna arkeen dhismo la gubayo.
Qoraalka sawirka, Alshabaab ayaa sheegatay inay qaaday weerarka hotelo iyo saldhig boliis magaalada xeebta ee Mpeketoni. Dadka deegaanka Mpeketoni ayaa sheegay in weerarka uu socday dhowr saacadood ayna arkeen dhismo la gubayo.
Magaalada ayaa u dhow jasiirada Lamu oo ah meel dalxiiska ku caan ah.
Qoraalka sawirka, Magaalada ayaa u dhow jasiirada Lamu oo ah meel dalxiiska ku caan ah.
Kenya ayaa lagu qaaday dhowr weerar tan iyo intii 2011 markii ciidamadeeda ay galeen Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Alshabaab.
Qoraalka sawirka, Kenya ayaa lagu qaaday dhowr weerar tan iyo intii 2011 markii ciidamadeeda ay galeen Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Alshabaab.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC in nimanka hubaysan ay baabuur ay afduubeen ay u isticmaaleen dhowr meel ee Mpeketoni.
Qoraalka sawirka, Dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC in nimanka hubaysan ay baabuur ay afduubeen ay u isticmaaleen dhowr meel ee Mpeketoni.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in nimanka oo wajiga duubtay ay ku tuureen waxyaabaha qarxa saldhiga boliiska intaysan hubka ka qaadan.
Qoraalka sawirka, Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in nimanka oo wajiga duubtay ay ku tuureen waxyaabaha qarxa saldhiga boliiska intaysan hubka ka qaadan.