Soomaaliya iyo Mareykanka: Muxuu sameynayaa Maraykanka haddii dowladdu wadahadal la gasho Al-Shabaab

Qoraalka Muuqaalka, Maraykanka sidee u arkaa wadahadal lala galo al-Shabaab?

Waxaa jira warar faafay oo la xiriira inay jiraan dalal carbeed oo riixaya wada hadal dhexmara dowladda Soomalaiya iyo kooxda Al-Shabaab. Warkaas ayaa markii ugu horreysay soo baxay intii ay xukunka haysay dowladdii madaxweyne Maxamed Farmaajo. Haddaba, sidee Mareykanku u arkaa wadahadal dhexmara dowladda Soomaaliya iyo kooxda al-Shabaab? Arrimahaas iyo weydiimo kale ayaan su'aalnay danjira shaqada ka tagaya ee dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre.