Faysal Cali Waraabe: "Kuma kalsoonin odayaasha dhaqanka ee dhexdhexaadinaya dhinacyada Laascaanood"
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in aanay ku kalsoonayn odayaasha dhaqanka ee dhawaan Hargeysa gaaray si ay u dhexdhexaadiyaan dhinacyada ku dagaallamaya Laasacaanood. Gudoomiye Faysal ayaa ku eedeeyay odayaasha dhaqanka in ay dhinac yihiin oo aan lagu aamini karin dhexdhexaadinta. Cuqaasha Hargeysa ku sugan ayaan ka jawaabin eedeynta loo jeediyay. Beesha caalamka ayaa taageersan dedaallada dhexdhexaadinta ee ay wadaan odayaasha ka tegay Muqdisho. Gudoomiyaha UCID ayaa u warramay BBC: