Morocco: Muxuu yahay filimka muranka dhaliyay ee laga mamnuucay shaleemooyinka?

Xigashada Sawirka, AFP
Mas'uuliyiinta maamulka masraxyada iyo shaleemooyinka ee dalka Morocco ayaa mamnuucay filim muran dhaliyay oo British ah, kaasoo lagu magacaabo "Lady of Heaven" ama Gabadha Jannada.
Go'aankan ayaa yimid kaddib markii Golaha Muslimiinta ee dalkaas ay sheegeen in filimkan uu xad gudub ku yahay diinta.
Waxaa la sheegay in filimkan uu ku saabsan yahay qisada Faadumo, oo ah gabadhii Nabi Muxammad (NNKH).
Hoggaanka Golaha Sare ee Culimada ayaa sheegay in filimkan ay ku jiraan "waxyaabo been abuur ah oo kasoo hor jeeda xaqiiqda" Islaamka.
Waxay ku eedeeyeen dadka filimkan sameeyay inay dhaawac u gaysteen dareenka Muslimiinta, iyagoo raadinaya inay caan baxaan, sida ay tebiyeen warbaahinta Morocco.
Waxaa jiray mudaharaadyo looga soo horjeeday filimkan oo ka dhacay gudaha UK. Dalalka Masar, Pakistan, Iiraan iyo Ciraaq ayaa sidoo kale cambaareeyay filimkaas oo ay sheegeen in aan waddamadooda laga daawan doonin.
Tifaftiraha Arrimaha Diinta ee BBC-da, Aleem Maqbool, ayaa sheegay in waxyaabaha la cambaareeyay ay saldhig u yihiin qaabka uu Ninka filim sameeyaha ah ee Shiicada ah, wadaadkana ah, ee lagu magacaabo Yasser Al-Habib, u cabiray shakhsiyaadkii caanka ahaa ee ku jiray Muslimiintii Sunniga ee hore, isagoo muujinayay inay jiraan waxyaabo la barbar dhigi karo oo ay ka midaysan yihiin iyaga iyo hoggaamiyeyaasha Kooxda Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Soo saaraha filimka, Malik Shlibak, ayaa bogaggiisa baraha bulshada eedeyn kulul ugu jeediyay dadka doonaya in la mamnuuco filimkan, isagoo sheegay in qof walba oo aan ka helin ay u furan tahay in uusan daawanin.
Waxa uu sidoo kale horay u sheegay in filimkan mamnuucistiisa aysan doonaynin dhammaan Muslimiinta.
Kaddib markii ay mudaharaadyo ka dhaceen afaafka hore ee qaar ka mid ah shaleemooyinka UK, ururka ay ku mideysan yihiin Shaleemooyinka Britain ayaa joojiyay sii daynta filimka "Lady of Heaven" si ay "u xaqiijiyaan amniga" shaqaalahooda iyo macaamiishoodaba.
Tallaabadaas ayaa kicisay caro kale oo ay muujiyeen dad ay ka mid yihiin Muslimiinta qaarkood oo doonayay in ay filimka daawadaan, sida uu sheegay tifaftiraha arrimaha diinta ee BBC-da.











