Dhunkashada: Maxay tahay sababta aanu isku dhunkano, maxayse jirkeena farxad ugu abuurtaa?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maxay dhunkashadu jirkaaga ugu abuurtaa farxad? Waxay u baahan tahay in la fahmo.

Marka aad qof kale dhunkato marka hore waxaad dareemeysaa dareen gaar ah. Tani waa sababta bishimahaagu aad ugu nugul yihiin.

Qof kasta oo bini'aadam ah waxa uu leeyahay dareen gaar ah oo la xiriira bishimihiisa. Waxaa jira aragtiyo badan oo ku saabsan sababta aan u isu dhunkano. Laakiin qaarkood waxa laga yaabaa inay la xiriiraan waaya-aragnimadeenii hore ee adduunka.

Waalidiinteena way na dhunkadaan markaan yarnahay. Inta lagu jiro xilligaan xamaasadda badan , bishimaha ayaa waxay mowjado badan oo togan u soo diraan maskaxdeena. Sababtaas awgeed, maskaxdeennu waxay calaamadisaa 'dhunkashada' iyo dhaqdhaqaaqa dibnaha sida dareenka jacaylka. Waxayna arrintani maskaxdeena baratay laga billaaba carruurnimadeenii.

Inta badan Bini'aadanka ayaa isku daya inuu ogaado goorta, meesha iyo sida u ay dhacday dhunkashadii ugu horreeyay ee bani'aadamka.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Lix cilmi-baarayaal ayaa aaminsan in bishimaha ay yihiin dareen la mid ah amaba u dhow kan xubnaha taranka oo kale'.

Laakiin haddii aan ka hadalno dhaqanka dhunkashada ama dhunkashadii hore, waa inaan eegno Rome. Rome waxaa laga yaabaa in loo arko inay tahay bilowgii dhaqanka dhunkashada.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaan u samaynaynaa waxyaalahan oo dhan si aan midba midka kale ugu muujino dareenka jacayl ee aan u qabno, taas oo ugu dambeyntii isku xirta labada qof, hormoonnada kala duwan ee jirkeena ayaa sabab u ah dareenkaas waxayna noqdaan gudbiyeyaasha masuulka ka ah kiimikooyinka jirka. Bini'aadanka ayaa ilaaliya xiriirka muhiimka ah ee ka dhexeeya, dhunkashada ayaana kaalin muhiim ah ka qaadato xiriirkaas qotoda dheer.

Hase yeeshee Bulshooyinka sida kuwa dalal badan oo Aasiya ah, dhunkashada waxaa loo tixgeliyaa inay tahay wax laga xishooda oo lagu sameeyo bulshada dhexdeeda, dadka qaarkiisna gaar ahaan looma sameeyo xitaa si gaar ah.