"Dadku waxay ka soo horjeesteen gabar Muslimad ah oo xiratay surwaal gaaban"

.

Xigashada Sawirka, SPORTS AUTHORITY OF INDIA

Feer-yahanad u dhalatay dalka Hindiya oo lagu magacaabo Nakhat Zarrin ayaa ku guulaysatay feerka adduunka haweenka ee ka socda dalka Turkiga.

Waa haweenaydii shanaad ee ka soo jeeda dalka Hindiya ee la siiyo abaal marinta guusha ay gaartay . Sidoo kale waa haweenaydii ugu horeysay ee Muslim ah oo ku guulaysata feerka adduunka.Feer-yahannadaan u dhalatay Hindiya ayaa dhigeeda dalka Thailand, kaga adkataay 5-0 ciyaar ka tirsaned horyaalka feerka heerka labaad.

Guusheeda kadib, ayaa Zarrin, oo wajigeeda ay ka muuqatay farxad, is waydiisay su'aal u dhigneed sidaan , "Miyaa la igu hadal hayaa barta Twitter-ka ?" Waa billadii ugu horeysay oo dahab ah oo ay ku guulaysato haweenay ka socota dalka Hindiya tan iyo markii sanadkii 2018-kii Mary Kom ay sidaan oo kale ugu galaysatay bilad dahab ah .

.

Xigashada Sawirka, SPORTS AUTHORITY OF INDIA

Kom ayaa lix jeer horay ugu soo guuleysatay tartanka. Haweenka kale ee Hindiya u dhashay ee ku guuleystay bilada dahabka ee horyaalka feer-ka waxaa ka mid ah Sreeta Devi, Jenny RL iyo Lekha KC.

Ajay Singh oo ah madaxa xiriirka feerka ee Hindiya oo ka hadlay munaasabada ayaa yiri "in bilada lagu guuleysto koobka aduunka waa riyo oo kale, waana wax lagu amaano in Nakhat ay heshay abaal marin".

Gabadhaan gusha gaartay ee Zarin ayaa magaceeda aad la iskula dhex maryaa baraha bulshada iyada oo loo diaryo hambalyo iyo fariimo kale oo lagu dhiiro galinayo kuwaas oo uga imaanaya guudahana dadka dalka Hindiya. Raysal wasaare Narendra Modi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tuwiitarr-ka ku yiri" Hindiya way ku faanaysaa feer-yahannadeeda ".

"Waxaan mar walba ku hammiyi jiray in baraha bulshada lagu hadl hayo guusha caalamiga ah ee dalkeygu uu gaaray ," ayuu ku yiri shir jaraa'id oo uu qabtay" guusha kaddib Mr Modi. Zarrin, oo 25 jir ah, ayaa ka soo jeeda degmada Nizamabad oo ku taal koonfurta Hindiya ee Telangana. Waxay hore uga mid noqotay Horyaalka Dhallinyarada Adduunka ee da'da yar.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Aabaheed, Muxammad Jameel, oo dhalinyarnimadiisii ahaa ciyaartoy,ahaa ayaa aad uga shaqeyn jiray inuu horumariyo xirfadiisa.Dadka ayaa ka soo horjeestay gabar Muslimad ah oo xiratay surwaal gaaban inta lagu guda jiray ciyaarta, waxaana la sheegay in arrintaa ay iska indho tireen kooxdii Hindiya ka socotay.Balse markii ay guusha gaartay ayay dadku si caadi ah ula falgaleen oo ay taageereen.

"Dadku waxay ka soo horjeesteen gabar Muslimad ah oo xiratay surwaal gaaban intii ay socotay ciyaartu,".Waxaa sidaasi BBC-da u sheegay mid ka mid ah mas'uuliyiinta horyaalka feerka Hindiya.

Qaar ka mid ah dadka gaarahaan Muslimiinta ayaa u arkayay in Zarrin ay qaadato surwaal gaaban iyada oo Muslimad ah ay tahay wax muqaal wanaagsan aan ka bixineyn dhaqanka Islaamka.Qaar ka mid ah dadkii daawanayay ciyaarta ee dalkeeda Hindiya ayaa soo dhaweyay qaabka ay isku diyaarisay iyo guusha ay gaartay oo faraxd galisay dhamaan dadweynaha dalkaas.