Doorashada Soomaaliya: Siciid Cabdullaahi Deni iyo damaciisa madaxtinnimada Soomaaliya

Siciid Cabdullaahi Deni

Xigashada Sawirka, Siciid Cabdullaahi Deni

    • Author, Cabdishakuur Casoowe
    • Role, BBC Somali

Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu magaciisu si wayn u soo shaac baxay markii uu isu soo sharraxay doorashada xilka madaxweynaha Madaxweynaha Soomaalia, sanadkii 2016-kii, inkastoo uu horay usoo qabtay xilal kale.

Dhowr sano kaddib waxa uu doorasho loollan adag lahayd ugu tartamay xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, taasoo uu ku guulaystay sanadkii 2019-kii.

Hase yeeshee, waqtigaas ka hor ayuu ka dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya, waxa uuna soo qabtay xilal kala duwan oo isugu jiray xildhibaannimo iyo wasiirnimo.

Tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka Puntland waxa uu safka hore uga jiray siyaasiyiinta kasoo hor jeeday hannaanka dowladda Dhexe, gaar ahaan siyaasadaha Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Markii uu khilaafka ka dhashay qabashada doorashada Soomaaliya, Deni waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha xuddunta u ah masiirka Soomaaliya.

Haddaba maxaan ka ognahay taariikh nololeedkiisa iyo waayihiisa siyaasadda?

Siciid Cabdullaahi Deni

Sanadkii 1966-kii ayuu Siciid Deni ku dhashay magaalada Muqdisho, haddana da'diisu waa 56 sano. Waxbarashadiisa aasaasiga ah ee dugsiga hoose/dhexe iyo sareba waxa uu ku qaatay isla magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu aqoontiisa heerka jaamacadda ku qaatay Jaamacadda Umadda, isagoo ku takhasusay Kulliyadda Luuqada. Intaas kaddib waxa uu takhasus kale kusoo qaatay Jaamacad ku taalla waddanka Malaysia.

Siciid Cabdullaahi Deni

Xigashada Sawirka, Siciid Cabdullaahi Deni

Wuxuu sidoo kale ka baxay jaamacadda ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuliyaddii luuqadaha. Wuxuu sidoo kale takhasuuskiisa kusoo qaatay dalka Malaysia, kahor inta uusan ku biirin siyaasadda.

Ka hor inta uusan u xuub siibanin dhinaca siyaasadda waxa uu ka mid ahaa aqoonyahannada Soomaalida, wuxuuna sidoo kale ahaa ganacsade mug leh.

Waxaa lagu xasuustaa in uu soo maamulay iskuullo dhowr ah oo ka jiray Soomaaliya xilligii burburka.

Waayaha siyaasadeed ee Siciid Deni

Ka hor inta uusan siyaasi noqonin Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu ganacsiyo ka hirgeliyay deegaannada Puntland.

Masraxa Siyaasadda Soomaaliya waxa uu ku biiray sanadkii 2002-dii, doorar kala duwan ayuuna ka ciyaaray geeddi socodka siyaasadeed ee waddanka oo cakirnaa tan iyo burburkii dowladdii dhexe.

Waxa uu sheegay in ujeeddadiisa siyaasadeed ay tahay sidii uu door muhiim ah uga qaadan lahaa dib-u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed, nabadeynta bulshada, dib-u-heshiisiinta iyo wadajirka Soomaalida.

"Aragtidayda siyaasadda waa Soomaaliya oo nabad ah, hurumarsan, sharcigu sareeyo, ku dhaqmaysa nidaamka federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay, islamarkaasna leh dastuur dhamaystiran," ayuu yidhi mar uu cabirayay ujeeddadiisa.

Intii u dhaxaysay 2012-kii ilaa 2016-kii waxa uu ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sanadkii 2014-kii waxa uu Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ka noqday dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Xasan Sheekh Maxamud.

bbc

Bishii September ee sanadkii 2014-kii, isagoo wasiirka Qorshaynta ah ayuu Deni soo saaray xog hordhac ah oo ku saabsan tirakoobka Soomaaliya. Waxay ahayd markii ugu horraysay ee tallaabadaas la qaado muddo dhowr iyo labaatan sano ah.

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxay markaas sheegtay in tirada shacabka Soomaalida ee waddana ku nool ah gaarayso 12,360,000.

Horaantii bishii January ee sanadkii 2019-kii ayuu doorasho tartan culus ku dheehnaa waxa ay baarlamaanka Puntland ugu xusheen inuu noqdo Madaxweynaha Maamulkaas.

21 murashax - oo uu ku jiray madaxweynihii Puntland ee uu waqtigiisu dhammaanayay markaas Cabdiweli Maxamed Cali Gaas - ayaa kula loollamay doorashada xildhibaannada oo si qarsoodi ah u codaynayay.

Doorashada oo saddex wareeg la isla gaaray ayuu kusoo baxay Deni oo sidaas ku noqday madaxweynaha xilka haynaya muddo shan sano ah.

Ma jirin haweeney u taagnayd xilka madaxweynaha Puntland, Golaha Baarlamaanka maamul goboleedka ee doorashada codaynayayna waxaa ku jirtay hal gabar oo keliya.

Murashaxiintii uu ka guulaystay, oo uu ka mid ahaa Cabdiweli Gaas oo ku haray wareegga koowaad ayaa ugu hambalyeeyay guushiisa.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni (midig) iyo madaxweyne ku xigeenkiisa, Axmed Karaash

Xigashada Sawirka, Siciid Cabdullaahi Deni

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni (midig) iyo madaxweyne ku xigeenkiisa, Axmed Karaash

Intii uu Madaxweynaha ka ahaa Puntland waxa uu sheegay inuu diiradda saarayay arrimo ay ka mid yihiin: Hirgelinta Dimuqraadiyadda, Daadajenta Maamulka, Dib u habaynta Nidaamka Maaliyadda, Sugidda Amniga iyo Nabadgalyada, La dagaalanka Argagaxisada, Dhisidda iyo dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha.

Waxyaabaha lagu ammaano waxaa ka mid ah in markii uu xilka qabtay uu dadaal ku bixiyay joogtaynta mushaaraadka ciidamada Puntland.

Sidoo kale guulaha uu maamulkiisa soo hoyiyay waxaa ka mid ah in uu hirgeliyay doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo dhisay saddex Gole Deegaan, taasoo ah tii ugu horrasay ee nooceeda ah oo laga sameeyo Soomaaliya.

bbc

Hase yeeshee muddadii saddexda sano iyo dheeraadka ahayd ee uu hoggaanka u hayay Puntland waxaa dhacay arrimo badan oo maamulkiisa uu caqabado kala kulmay, kuwaasoo qaarkood uu ku guul darraystay inuu xal u helo.

Arrimaha ugu waaweyn ee lagu maarayntooda caqabadda ku noqday maamulka Deni waxaa ka mid ah xasaraddii ka dhalatay isbaddalka hoggaanka ciidamada Amniga Puntland ee loo yaqaanno PSF.

Kaddib markii uu Deni soo saaray wareegto uu ku baddalay Taliyaha PSF, waxaa amarkaas kasoo horjeestay hoggaanka hay'addaas oo agaasimaheeda uu ka biyo diiday inuu xilka ka dego.

Siciid Cabdullaahi Deni

Xigashada Sawirka, Siciid Cabdullaahi Deni

Taliyaha ciidanka PSF, Cabdiraxmaan Maxamed Jamac iyo ku xigeenkiisa Cabdulqaadir Cabdi Axmed ayaa dowladda ku eedeeyay in ciidamo badan ay dhigtay waddooyinka magaalada Boosaaso, si loo xayiro dhaqdhaqaaqooda isla markaana "la isugu laayo ciidamada", waxayna sharcidarro ku tilmaameen xil ka qaadistii uu madaxweynaha Puntland ku sameeyey agaasimaha hay'addaasi Maxamuud Cismaan.

Waxaa kale oo la xasuustaa inuu khilaaf xooggan soo kala dhex galay isaga iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), oo markii dmabe xilka laga qaaday.

Hadda oo uu Siciid Deni siyaasaddiisa xoogga ku saarayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliye ee uu u sharraxan yahay waxaa taagan khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan, oo loo yaqaanno "Karaash".

Siciid Deni oo ka mid ah murashaxiinta ugu cad cad ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wajahaya loollan uu la geli doono murashaxiin qaarkood horay usoo qabtay xilka, oo kala ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Su'aasha iswaydiinta mudanse waxay tahay in haddii uu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya uu hirgelin doono hannaanka doorashada ee "qof iyo cod" si looga maarmo doorashada ku salaysan baarlamaanka, maadaama uu dhowr sano gudahood Puntland ka yagleelay nidaam qof iyo cod ah oo lagu soo doorto goleyaasha deegaanka.