Dagaalka Ukraine: Maxaa dhici doona haddii Putin uu go'aansado adeegsiga hubka nukliyeerka ee uu gacanta ku hayo?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa mar kale u baaqay awoodda nukliyeerka ee Ruushka iyadoo ay sii socoto colaadda Ukraine, waxa uu sheegay in nidaamka cusub ee gantaallada ballistic-ga ee Ruushka ay tahay in cadawga Moscow ay dib u fikiraan.

Isagoo ku dhawaaqay duulaanka Ruushka ee Ukraine sideed Isbuuc ka hor, Putin wuxuu uga digay reer galbeedka in isku day kasta oo looga hortagayo "ay horseedi doonto natiijo aan la mahadin oo aan horay loo arag taariikhda adduunka". Dhowr maalmood ka dib, wuxuu amar ku bixiyay in ciidamada Nukliyeerka ee Ruushka heegan la geliyo.

Bartamihii bishan April Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa Jimcihii sheegay in caalamka uu u toog hayo suuragalnimada ah in Ruushka uu duqeyn nukliyeer ah u adeegsan doono dalkiisa.

Tani waa sida nidaamka taliska Ruushku u shaqeyn karo haddii ay dhacdo in la soo saaro hubka nukliyeerka.

Bayaankii sannadkii 2020 ee cinwaankiisu ahaa "Mabaadi'da aasaasiga ah ee Xiriirka Ruushka ee ka hortagga Nukliyeerka" ayaa dhigaya in madaxweynaha Ruushka uu go'aansanayo isticmaalka hubka nukliyeerka.

Shandad yar, oo loo yaqaan Cheget, ayaa mar kasta lagu hayaa meel u dhow madaxweynaha, taasoo ku xiriirta shabakadda taliska iyo xakamaynta ciidamada istaraatiijiyadeed ee Ruushka.

Haddii Putin uu soo saaro go'aanka adeegsiga Nukliyeer ah, maxaa dhici doona?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Milatariga Ruushka wuxuu heli karaa amarka Putin ee isticmaalka hubka Nukliyeerka ah waxayna heystaan laba hub oo Nukliyeer ah. Madaxweyne Putin waxau diri kartaa koodka ama numbarka oggolaanshaha taliyeyaasha hubka ee gaarka ah, kuwaas oo markaa fuliya hababka bilaabista.

Waxa kale oo jira nidaamka kaydinta nuqulka, oo loo yaqaan Perimetr, kaas oo u oggolaanaya askarta in ay ridaan gantaalaha tooska ah, iyaga oo ka gudbaya dhammaan jaraanjarada taliska.

Miyay 'digniinta heerka sare' ee Putin sii kordhineysaa suurtagalnimda inuu dhaco weerar nukliyer ah?

Ka dib markii Putin uu sheegay 27-kii bishii Febraayo in ciidamada ka hortagga nukliyeerka ee Ruushka iyo hubka nukliyeerka ay tahay in wasaaradda difaaca ay diyaar-gareeyo.

Ereyga la xoojiyay, ama doorka gaarka ah ee dagaalku kama soo muuqdo sharciga Nukliyeerka ee Ruushka, taasoo ka dhigeysa khubarada militariga inay la yaaban yihiin waxa macnaheedu noqon karo.

Pavel Podvig, oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan machadka Qaramada Midoobay u qaabilsan daraasaadka hubka ee Geneva, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in laga yaabo in awaamiirtaasi ay ka dhigtay xakameynta Nukliyeerka ee Ruushka, gaar ahaan, in uu furto habka isgaarsiinta mar kasta oo la soo bandhigo.

Haddii kale, ayuu yiri, waxay la macno noqon kartaa in Ruushku shaqaale ku kordhiyay xaruntooda Nukliyeerka.

Ruushku ma leeyahay sharciga isticmaalka hubka nukliyeerka?

Sharcigii 2020 ee nukliyeerka ayaa qeexaya afar shuruudood oo caddaynaya isticmaalka hubka nukliyeerka ee Ruushka:

- Haddii uu dal kale u adeegsado hubka nukliyeerka ama haddii dhaco xasuuqa ballaaran oo ka dhan ah Ruushka ama xulafadiisa;

- Haddii la helo xog muujinaysa riditaanka gantaallada ballistic-ga ee lagu bartilmaameedsanayo Ruushka ama xulafadiisa;

-Haddii weerarro lagu qaado goobaha muhiimka ah ee dawladda ama militariga.

- Xitaa haddii Ruushka loo adeegsado hub caadi ah oo khatar gelinaya dowladda waa in la is isticmaalaa nukliyeer".

Intee ayay la'egtahay awoodda nukliyeerka ee Ruushku leeyahay?

Saynis yahanada Maraykanka ayaa ku qiyaasay in Ruushku leeyahay 5,977 ee madaxya nukliyeerka ah, taas oo micneheedu yahay inuu haysto 1,588 oo dheeraad ah marka loo barbardhigo quwadaha kale ee haysta nukliyeerka. Waana tirada haatan la sheegayo in heeganka la geliyay.

Madaxyadaas ayaa laga soo ridi karaa dhulka, badda hoosteeda iyo diyaaradahaba.

.

Xigashada Sawirka, BBC Swahili

Putin ayaa kormeeray tijaabadii isku dubaridkii ciidamada Nukliyeerka ee Ruushka 19-kii bishii Febraayo . 20-kii Abriil-na, waxaa Telefishinada uu ka sheegay in gantaalka riddada dheer ee Sarmat, oo lagu hawlanaa muddo sanadoa ah, markii ugu horreysay lagu guulesytay tijaabadiisa.

Ciidamada Nukliyeerka ee Ruushka ayaa bilaabi doona geynta gantaalada cusub "xilliga dayrta", wakaalada wararka ee Tass ayaa ka soo xigatay sarkaal sare Arbacadii.

Dhanka kale Mareykanka ayaa bishii hore dib u dhigay tijaabada caadiga ah ee gantaalkiisa Minuteman ballistic-ga, si uu u yareeyo xiisada kala dhexeysa Ruushka.

Ruushku miyuu waligiis dagaal u adeegsadayhubka nukliyeerka?

Maya, ilaa maanta, marka keliya ee dagaal loo isticmaalay hubka Nukliyeerka waxay ahayd sannadkii 1945, oo ku beegnayd dhamaadkii dagaalkii labaad ee aduunka, markaas oo uu Maraykanka uu bambooyinka nukliyeerka ku garaacay magaalooyinka Japan ee Hiroshima iyo Nagasaki.