Colaadda Cameroon: Taageerayaal doonaya in xulka dalkooda uu guul darreysto

Cameroon players celebrate

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cayaarihii dhowaan Koobka Qaramada Afrika (Afcon) ee lagu qabtay dalka Cameroon waxay muujiyeen jaceylka ay dadka u qabaan kubadda cagta, balse iyadoo xulka qaranka dalkaas uu isu diyaarinayo Koobka Adduunka, dhammaan dadka Cameroon ma doonayaan in kooxdu ay tagto Qatar, sida uu ku warramayo Tony Vinyoh.

Waa wax guud in cayaaruhu iyo siyaasadda aan la isku qasin, balse marka ay timaaddo kubadda cagta Cameroon inta badan waa la isla xiriiriyaa.

Dagaalka shanta sano ka socda dalkaas ee ay isku hayaan goonni u goosatada afka Ingiriisiga ku hadla iyo dowladda ayaa u weecday dhanka kubadda cagta.

Markii ay Masar garaacday is reeb reebkii Afcon, inta badan dalkaasi baroor-diiq ayaa laga dhigay, balse Bamenda, oo xuddun u ah gobollada afka Ingiriisiga looga hadlo waxaa is qabsaday dabaaldeg. Intooda badan dadkaas si ay ammaankood u ilaaliyaan guryahooda ayay ku dabaal degeen balse codkooda gudaha magaalada ayaa laga maqli karay.

Heeso iyo sawaxan ayaa laga maqlayay magaalada Bambili kuwaas oo ay ku muujinayaan dareenka dad badan oo koofurta Cameroon ka soo jeeda oo ku aaddan kooxda Libaaxyada aan la Loolin karin, waa sida xulka dalkaas loo yaqaannee, oo astaan adag u ah midnimo ay iyagu diiddan yihiin.

Kuwii u dabaal degayay guuldarradii dalkaasi ka raacday cayaaraha Afcon waxaa ka mid ah Dr Ngwa Ebogo, oo ah dhaqtar qalliinka ku takhasusay.

Ninkan oo taageero weyn u haya kubadda cagta wuu ka warqabaa doorka ay cayaaruhu ka qaataan siyaasadda dalkaas, iyo saameynta ay ku leeyihiin nolosha bukaannadiisa.

"Dalkan wuxuu u dan leeyahay inuu kubadda cagta u adeegsado si uu ugu qariyo arrimaha karkaraya. Waxay u dan leeyihiin inay kharash badan geliyaan kubadda cagta sababtoo ah way ogyihiin in kubadda cagta ay astaan u tahay midnimo," ayuu yiri.

Carada ka taagan Bamenda waxay xusuus tan ka duwan u tahay sanadkii 1998 markaas oo qaar ka mid ah dadka deggan ay dab qabadsiiyeen xafiisyada shirkadda tamarta Cameroon iyagoo ka cabanaya korontada oo tagtay xilli xulka qaranka dalkaas ay cayaaraha Koobka Adduunka uga qeyb galayeen dalka Austria.

Xilligaas aad uma muuqan dhaqdhaqaaqa goonni u goosatada.

Dr Ebogo wuxuu taageerayay Cameroon ilaa sanadkii 2016 markaas oo xasaradda koofurta Cameroon ay bilaabatay. Wuxuu haatan aaminsan yahay in guulaha cayaaraha ee Cameroon ay door ka qaataan istaraatiijiyadda weecinta dareenka ee dowladda.

"Haddii aad dagaallameyso ayna Libaaxyada aan la Loollin karin guuleystaan, waad hilmaameysaa waxaad u dagaallameysay. Waxay sidan sameynayeen sanado badan. Guul walba oo ay kooxda u soo hoyso dalka waxay sii murjineysaa dadka."

Kooxda ayaa door dhexe ka qaata sumcadda madaxweynaha 89 jirka ah ee Paul Biya, oo muddo 40 sano ah dalkaas xil ka haya.

President of Cameroon Paul Biya and his wife Chantal Biya attend the closing ceremony of the Africa Cup of Nations (CAN) 2021 ahead of the final match between Egypt and Senegal at Stade d'Olembe in Yaounde, Cameroon on February 06, 2022.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Paul Biya, oo soo muuqday kahor kulamadii kama dambeysta ee Afcon, ayaa si dhow loola xiriiriyaa kooxda Libaaxyada aan la Loollin karin

Mar walba oo ay kooxdu guul gaaraan cayaarihii dhowaan ee Afcon, waxaa telefishinka qaranka dalkaas laga sii deynayay muuqaalka Madaxweyne Biya oo dhalinyaro ah oo u hambalyeynaya kooxda.

"Inta badan dadka reer Cameroon waxay qabaan in marka Libaaxyada aan la Loollin karin ay guuleystaan uu sabab u yahay ninka adag," ayuu yiri Dr Ebogo.

"Libaaxyada aan la Loollin karin ayaa ku guuleysanaya koob dadkuna waxay taageero u dirayaan madaxweynaha jamhuuriyadda."

Dadka ku nool Bamenda ayaa aad uga taxadara cidda ay fekerkooda la wadaagi lahaayeen, sidaa darteed caqabad joogto ah ayay u tahay inaysan muujin farxaddooda marka ay kooxdu guul darreysato.

Xilligii gumeysiga, Cameroon waxaa gumeystay Faransiiska iyo Ingiriiska, taas oo dalkaasi badday kala qeybsanaan luqadda iyo dhaqanka ah.

Muddo tobnaan sanod ah kaddib gobannimadii dadka ku hadla afka Ingiriisiga ayaa cabasho ka muujiyay in la gacan bidixeeyay, isla markaana awoodda siyaasadda iyo dhaqaalaha la siiyay bulshada Faransiiska ku hadasha ee ugu badan dalkaas.