Aqalka Cad: "Ruushku wuxuu qorsheynayaa inuu adeegsado hub kiimiko ah"

Duqeynta Ruushka

Xigashada Sawirka, SOPA IMAGES/GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Ruushka ayaa duqeyn xooggan ku hayay magaalooyinka Ukraine.

Ruushka wuxuu damacsan yahay inuu Ukraine u adeegsado hub kiimiko ama mid biological ah, waana in aan "arrintaas u toog hayno" ayuu sheegay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Xoghayaha warfaafinta, Jen Psaki, ayaa tilmaantay in Ruushka uu mararsiyo ka dhigan rabo war been ah oo uu ku sheegay in Maraykanka uu Ukraine ku leeyahay xarumo lagu farsameeyo hub khatar ah.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo mas'uuliyiin ka tirsan dowladaha Galbeedka ay sheegeen inay "aad uga walaacsan yihiin" in dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine uu yeesho weji cusub.

Waxa ay walaac gaar ah ka muujiyeen suuragalnimada ah in Ruushka uu dagaalka u adeegsado hubka mamnuuca ah ee khatarta badan. Hubkaas ayaa noqon kara kan kiimikada, nukliyeerka sida xeeladeysan loogu dagaallamo, hubka biological-ka iyo bamvooyinka halista badan ee loo yaqaano dirty bombs.

"Waxaa jira sababo muuqda oo dhaliyay walaaca aan qabno," ayuu yiri mid kamid ah mas'uuliyiintaas.

Waxa ay sheegeen in walaacooda qeyb ahaan uu ku salaysan yahay waxa ciidamada Ruushka ay ka sameeyeen dalalka kale ee ay ka dagaallameen sida Suuriya, oo xooggaga xulafada la ah ay adeegsadeen hub kiimiko ah.

Mas'uuliyiinta ayaa sidoo kale tilmaamay wararka been abuurka ah ee ka soo baxaya Ruushka, kuwaas oo u muuqda in loogu gogol xaarayo adeegsiga hubkaas. Ruushka ayaa horay u sheegay in Ukraine ay ku hawlan tahay samaysiga hub nukliyeer ah.

Dad ku waxyeeloobay weerar kiimiko ah oo ka dhacay Bariga Quuta, Suuriya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Dad ku waxyeeloobay weerar kiimiko ah oo ka dhacay Bariga Quuta, Suuriya.

Doodda Ruushka

Haweeney u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa sheegtay in "dukumiintiyo dhawaan la helay" ay caddeyn u yihiin in sheybaarro ku yaalla Ukraine lagu farsameeyay hub nukliyeer ah, isla markaana ay maalgelisay waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka.

Mas'uuliyiin Ruush ah iyo warbaahinta dalkaas ayaa maalmihii la soo dhaafay ka hadlayay in Ukraine ay rabtay samaysiga dirty bomb oo meesha lagu rido ku daysa shucaac halis ah.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in sheegashooyinkaas ay yihiin kuwo ay xukuumadda Moscow qiil ugu raadinayso duullaankeeda Ukraine, si shacabka Ruushka ay u taageeraan.

Hase yeeshee mas'uuliyiinta Galbeedka ayaa ka cabsi qaba in Ruushka uu qorshe kale ku hoos wado sheegashooyinkan.

Tusaale ahaan, Ruushka ayaa ku doodi kara in hubka khatarta ah uu ka yimid warshadaha Ukraine ama ay adeegsadeen ciidamada la dagaallamaya. Taasi ayaa u sahli karta Moscow inay adeegsato hub khatar ah.

Mas'uuliyiinta walaaca muujiyay ayaa sheegay in ka hor inta aan hubka kiimikada ah lagu isticmaalin Suuriya uu Ruushka jeediyay eedeymo noocan ah.

Waxa ay mas'uuliyiintu sidoo kale tibaaxeen inay jiraan "tilmaamo kale" oo ay u badan tahay inay ula jeedaan xog sirdoon oo xoojinaysa walaaca ay qabaan.

Ruushka ayaa horay loogu eedeeyay inuu adeegsaday walxaha neerfaha dila oo kamid ah hubka kiimikada ah, gaar ahaan isku daygii dil ee uu ka badbaaday Sergei Skripal oo sanadkii 2018 lagu weerarray magaalada Salisbury, UK iyo weliba Alexei Navalny oo kamid ah mucaaradka Ruushka, laguna beegsaday gudaha dalkaas sanadkii 2020.

Hay'adda caalamiga ah ee dusha kala socota Axdiga Hubka Kiimikada oo lagu magacaabo OPCW ayaa ku qeexday hubkaas inuu yahay kiimiko loo adeegsaday in si ula kac ah qof loogu dilo ama sunteeda lagu waxyeelooyo.

Adeegsiga hubka noocaas ah ayaa mamnuuc ah marka la eego sharciga caalamiga ah ee bani'aadannimada, mana jirto xilli loo qiil-deyi karo isticmaalkiisa, maadaama uu yahay mid dhaliya dhaawacyo xooggan isla markaana saameystiisu aanay kala sooc lahayn.