Sideen ku ogaan karnaa in dagaal bilawdey?

Askari u dhashey dalka Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Askari u dhashey dalka Ukraine oo ilaalo ku jira

Qof kastaa waxa uu isku dayayaa inuu si kale u qiyaaso ujeedada Madaxweyne Vladamir Putin ee ku foogan dalka Ukraine. Mareykanka ayaa ka daad gureynaya shaqaalihiisa ka joogay safaaradda uu ku leeyahay Ukraine, iyadoo laga cabsi qabo iney kor u kacaan iska hor imaayada soo socda. Laakiin waxaa laga yaabaa in mar hore la bilaabay, ayuu yiri khabiirka ku xeel dheer arrimaha amniga iyo difaaca ee Jonathan Marcus.

Khatarta inuu dagaal ka dhex qarxo dalalka Ruushka iyo Ukraine, ayaa noqdey cinwaanada warka ugu badan ee waa yadanba la qorayey.

Dhammaan su'aalaha ku gadaaman waxyaabaha dhici karaya, ayaa la is weeydiinayaa. Ruushku ma weerar ayuu qaadi doonaa? Madaxweyne Putin miyuu go'aansadey marka dagaal yimaado waxa dhici kara? U kala dab-qaadis diblomaasiyadeed ma keeni kartaa nabad?

Ha yeeshee, waxaanan la qiyaasi karin waxa ka dhex guuxaya maankta Madaxweyne Putin.

Haddaba, waxaa jirta su'aal kale, sideen ku ogaan karnaa marka ay colaaddu bilaabato?

Taangiyo dhaqaaqaya, gantaallo la gamayo

Jawaabtu waxey u muuqataa mid cad. Saameynta taangiyada Ruushka ee sida cad loo soo ururiyey, ee ka gudbaya xuduuddaha dalka Ukraine, gantaallada waa weyn iyo duqeymaha cirka ee liddiga ku ah dhufeysyada iyo saldhigyada Ukraine, waxey calaamad u tahay kor u kaca xiisadda iyo gudbista wajiga cusub ee khilaafka.

Qeylo dhaanta ugu horeysa waxey ka iman doontaa ciidanka Ukraine laftiisa, laakiin dayax gacmeedyada Reer Galbeedka iyo diyaaradaha xog ururinta, ayaa laga yaabaa iney si wanaagsan u basaasaan duullaan dhowaan lasoo qaadi rabo.

Waxey u badan tahay iney jiri doonaan calaamado cad cad, marka weerarku soo fool leeyahay, ayuu yiri Michael Kofman, oo ah khabiir ku takhasusey ciidamada Ruushka, oo fadhigiisu yahay Mareykanka.

Waxaa kamid ah "habka jiheynta", ayuu yiri, maadaama wax badan oo la geeyey ay yihiin qalab culus, oo aan aheyn ciidamada laftooda. Calaamadaha kale waxey noqon karaan "kala fidinta ciidamada, qulqulka saadka iyo kuwa kaaba, iyo isbedelka ah aag badalashada duulimaadyada.

Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Ros Atkins.....Xiisadaha Ukraine

Laakiin su'aasha sidoo kale waxaa loogga jawaabi karaa si kale, oo tan waxaan u baahannahay inaan dib u jaleecno, oo aan eegno ololaha Ruushka ee ka dhanka ah dalka Ukraine gabi ahaanba.

Waxaan u baahannahay inaan dib u jaleecno qalabka uu heysto Ruushka, iyo sida ay u isticmaali karayaan. Marka arrintan loo dhabbo galo, markaad weeydiiso, sideen ku ogaan karnaa in khilaafku bilaabmay, markaas jawaabtu waxey noqon kartaa inuu kol horaba jiray.

Dagaalada ayaa dhab ahaantii socdey dhowr sano.

Cadaadis ciidan

Aynu ka bilawno halka aan haatan joogno.

Ruushka ayaa horey u qabsadey Crimea - qeyb kamid ah dalka Ukraine, wuxuu u fidiyaa Ruushka kaalmo wax ku ool ah, fallaagada kasoo horjeeda maamulka Kyiv ee gobolka Donbas.

Runtii waxey aheyd faragalin ay sameeyeen cutubyo gaashaaman oo Ruusha, taasoo ay ku maquuniyeen ciidamada Ukraine sanadkii 2014-kii, taasoo kahortagtey jabka fallaagada taageersan Ruushka. Dagaalada goosgooska ah, ayaa socdey tan iyo markaas. Dhammaan dhinacyada is haya, ayaa la filayaa iney taageeraan dadaal nabadeed, oo caalami ah, laakiin horumar yar ayaa la sameeyey.

Hanjbaad xoog ku laran yahay

Marka laga soo tago cadaadiskan, waxaa sidoo kale jira khatar ah in haatan ciidan urursi balaaran la sameynayo.

Daabulista iyo kusoo tuurista ciidamada dagaalka ee Ruushka xuduudaha Ukraine waa wax aan caadi aheyn. Tan waxaa ka mid ah in ciidamo aad u badan loo diro dalka Belarus, oo sidoo kale xudduud la wadaagta dalka Ukraine, taasoo laga yaabo iney siiso marin dhaw oo ay weerar kaga soo qaadi karayaan caasimadda Ukraine ee magaalada Kyiv lafteeda.

Jaantus ama qariidad muujinaysa halka ay kala joogaan ciidamada Ruushka.

Ciidamada lagu soo ururiyey xudduudaha, afhayeenada ayaa ku sheegay iney yihiin uun oo kaliya kuwo dhoola tus sameynaya, oo aaney jirin halis kale. Laakiin marka si qoto dheer looggu dhabbogalo, nooca cutubyada la keenay, iyo habka tartiib tartiibta leh ee aan kala go'a laheyn ee sahayda, iyo nidaamka wax qeybinta, waxey muujinayaan in waxa socda aaney aheyn ciidamo guur guuraya, balse ay jiraan wax intaas ka weyn.

Falanqeeyayaasha ayaa la socdey dhismahan, iyaga oo isticmaalaya sawirro dayax gacmeedka lagu qaadey oo aan aheyn mid dagaal. Muuqaalo badan oo lagu qaadey taleefanada gacanta, ayaa lagu baahiyey internet-ka, kuwaasoo muujinaya tareeno sida agab oo u socda dalalka Ukraine iyo Belarus. Qiimeynta lagu sameeyey Baraha Bulshada, oo la xiriira cutubyada loo arkey iney socdaan, waxey bixinayaan aragti cajiib ah oo ku saabsan waxa socda.

Iyadoo aan loo eegin waxa maamulka Moscow laga yaabo inuu leeyahay, dalka Ukraine iyo xulafadooda Galbeedka waxey leeyihiin sabab kasta oo ay uga welwelaan.

Shaac bixista waxa uu maleegayo maamulka Moscow

Waxa kale ee soo socda waa in maamulka Moscow uu isku dayo inuu badalo dareenka iyo wadciga jira.

Dhinaca kale Ruushku waxa uu sheegay in aanu isu diyaarineyn dagaal, inkasta oo aad mooddo inuu jiro abaabul duullaan. Laakiin sida dhabta ah, sheekada ay tahay in la tabiyo waa Ukraine oo la dhigayo inaanan la dulmineyn, laakiin dhanka kale dhibaato loo geysanayo Ruushku.

Tani waa nuxurka xogta loo gacan galiyey Mareykanka, ee doonaya iney joojiyaan oo siyaabaha qaar ay u badalaan ballaarinta isbaheysiga NATO, iyo abuurista goob cusub oo saameyn ku leh maamulka Moscow.

While some aspects of Russia's concerns, like talks on strategic and other weapons systems, are widely seen as a good idea, on Nato enlargement it is unlikely to get any change - and it probably knows this.Inkasta oo uu jiro walaaca uu qabo Ruushka uu yahay mid maangal ah, sida wada hadallada istiraatiijiga ah iyo nidaamyada difaaca hubka , loo arko fikrad wanaagsan , balse is ballaarinta NATO, uma badna in uu wax isbadal ah ku dhoco. waxeyna u badan tahay in arrinkani dhinacyo badan ay og yihiin.

Laakiin sidoo kale sheekadu waxey leedahay ujeedo kale, Waa sheekada uu Ruushku u sheegayo inuu isku dayo inuu qaabeeyo qaabka loogga wadahadlo qalalaasaha dalka Ukraine oo dhan, ma aha oo kaliya dowladaha Reer Galbeedka ama muwaadiniintooda, laakiin sidoo kale waxay saameyn ku leeyihiin aniga, iyo adiga qoraya ama aqrinaya sheekadan.

Si kastaba ha ahaatee, falan qeyn madax-bannaan oo dhexdhexaad ah oo adag, ayaa tilmaaameysa in Ruushku uu isku diyaarinayo dagaal uu la galo dalka Ukraine, wax alle iyo wixii ay rabaan afhayeenadooda ha sheegaane.

Qaran Dumin

Waxaa jiri karaya waxyaabo kale oo uu sameynayo Ruushka. Weerar Internet-ka oo lagu qalqal galinayo qarannimada tusaale ahaan Ukraine. Dalka Ukraine, hubaal waxey aheyd mawdhuuca hore. Toddobaad kahor, ayaa tiro ka mid ah baraha dowladdu ku leedahay internet-ka la weerarey, inkastoo ay iska cadeyd halka uu weerarku ka yimid.

Dhawaan ayey aheyd markii dowladda Ingiriiska ay sheegtey in maamulka Moscow uu xushay shaqsiyaad, si ay dowlad cusub ugu soo dhisaan maamulka Kiev, inkastoo uu jiro tuhunka, haddana ma jirin caddeyn dadweyne oo dhameystiran oo xaqiijinaya in maamulka Moscow ay gacanta ku heyso dhaq dhaqaaq yadan.

Michael Kofman waxa uu sheegay in awoodda internetke uu qeyb muhiim ah ka noqon karo weerar kasta oo Ruush soo qaado, sababtoo ah waxey curyaamin karaan kaabayaasha muhiimka ah ee Ukraine, kuwaas oo loo adeegsan lahaa isku duba ridka dadaallada ciidanka.

Farqiga u dhaxeeya nabad iyo dagaal

Markii Ruushku qabsadey Crimea, waxaan maqalney hadallo badan oo kusaabsan duullaankaasi, iyo diidmada la xiriirta hawlgalkani, kuwaasoo kuwiii ka qeyb galey inkastoo ay labisnaayeen, haddana ma xiran calaamad ciidan.

Laakiin shaki kuma jiro cidda ay ahaayeen ciidamadan. Crimea, waxaa lagu qabsadey ciidamo xooggan oo ah kuwa hore. Waxaa hadda socda waa dagaalka guntiisu ay aad u dheer tahay, kaasoo ah farqiga u dhaxeeya nabad iyo dagaal.

Muuqaalka guud ee waddooyinka magaalada Kyiv

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Nolosha magaalada caasimadda ah ee Kyiv oo sideedii hore u socota