Muxuu yahay hadalka kasoo baxay Erdogan ee doodda badan dhaliyay?

Xigashada Sawirka, GAVE
Dood xooggan ayaa ka dhalatay hadal kasoo baxay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaas uu kaga hadlayay caro ka dhalatay eeyo weerar ku qaaday gabadh afar jir ah oo u dhalatay dalkaas.
Asiye Ateş oo ku nooleyd gobolka Gaziantep waxaa toddobaadkii lasoo dhaafay dhaawacyo halis ah gaarsiiyay eeyaha.
Madaxweyne Erdogan wuxuu dowladda hoose ugu baaqay inay eeyaha ay geeyso goobo gaar ah si loogu xannaaneeyo, waxaana hadalka madaxweynaha taageerayay kumanaan qof oo adeegsanayay baraha bulshada.
Erdogan wuxuu tallaabadan uga golleeyahay in laga hortaggo in xayawaanada iska didayo waddooyinka la geeyo xarumo gaar ah si dadka aysan waxyeello u gaarsiin.
Waxaana arrintani ka hor yimid kooxaha u doodo xuquuqda xayawaanada oo ku dooday in xarumaha lagu xannaaneeyo xayaawanada ee dowladda hoose aysan laheyn adeegyo ku filan oo daryeeli karaa isla markaana ay xaalad cakiran ka jarto halkaas.
Waxay sidoo kale sheegeen in tallaabadan ay tahay halis ah ku tumashada xuquuqda xayawaanada.
Muxuu sheegay Erdogan?
Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlayay weerarka ay eeyaha ku qaadeen Asiye Ateş, wuxuu ugu baaqay dadka iska leh inay ilaashaadan xoolahooda.
Xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabada ka dhacday gobolka Gaziantep, wuxuu sidoo kale sheegay in eeyahan ay leeyihiin dadka lacagta leh ee u dhashay dalkaas.
"Waa dhacdo weyn arrintani, eeyahan waxaa iska leh dadka lacagta leh gaar ahaan, Turkida caddaanka ah, naga qabsada eeyihiiina" ayuu yiri Erdogan.

Xigashada Sawirka, BAGCILAR MUNICIPALITY WEBSITE
Hadalkan wuxuu gudaha Turkiga ka dhaliayay khilaafkii ugu weynaa ee ku saabsan qaabka laga yeelayo xayawaanada dhex didayo waddooyinka dalkaas.
Erdogan ayaa halkaa ka furay xarunta duurjoogta Yazıbağı ee ku taalla Gaziantep.
Madaxweynuhu wuxuu ku celceliyay fariintii uu ka jeediyay shirkii wadatashiga ahaa ee uu la yeeshay duqa magaalada Kızılcahamam toddobaadkii hore, kaas oo ahaa, "Xayawaanada iska dhex yaaca waddooyinka magaalooyinka waa in loo sameeyaa goob lagu xannaaneeyo oo gaar ah"
"Waxaan u arkaa xarunta xanaanada xoolaha ee Yazıbaği inay bixineyso adeeg muhiim ah maadama xayawaanada loo soo daabulayo halkan, xayawaanada waddooyinka yaacaya waa in halka la keenaa, waa goob nadiif ah oo ammaan ah, waxaana ku baaqayaa in tallaabadan si deg deg ah loo dhaqan geliyo" ayuu yiri Erdogan.
Kadib hadalka madaxweyne Erdogan waxaa la sheegay in kooxaha dowladda hoose ay xarunta geeyeen eeyo.











