5 ka mid ah waxyaabaha aan maalin walba sameyno oo sabab u ah isbeddelka cimilada

A woman looking surprised

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxyaabo la yaab leh oo dhaliya hawada kaarboonka, ha weynaadaan ama ha yaraadaan

Dhammaanteen waan ognahay waxyaabaha yareyn kara saameynta aan ku leennahay kululaanshaha cimilada adduunka.

Yaree ku safarka hawada, waxaad ku beddeli kartaa isticmaalka gawaarida korontada ku shaqeeya waxaadna isticmaali kartaa cuntooyinka dhirta laga sameeyay.

Balse waxaa jira waxyaabo laga yaabo inaad maleysan karin.

Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa shan waxyaabood oo aan caadi ahayn oo ka qeyb qaata isbeddelka cimilada.

1. Bariiska

A bowl of rice

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bariisku wuxuu cunto aasaasi ah u yahay 3.5 bilyan oo qof oo daafaha dunida ku nool

In ka badan kala bar bulshada adduunka waxay cunaan bariiska oo ah cuntadooda aasaasiga ah, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay.

Balse waa dalag ay dhib tahay in la beerto.

Biyo aad u badan ayaa loo baahan yahay in lagu waraabiyo beeraha bariiska tanna waxay horseedeysaa noole yaryar oo ka dhasha ciidda qoyan taas oo dhalineysa gaaska methane, oo ah gaas cagaaran oo ka awood badan gaaska carbon dioxide ee sababa isbeddelka cimilada.

Beerashada bariiska wuxuu 1 ilaa 2% ka yahay gaaska hawada lagu sii daayo ee uu sababo aadmigu, gubitaanka cawska beeraha ee loogu diyaar garoobayo beerashada dalag cusub oo bariis ah, ayaa sidoo kale ka qeyb qaata gaaska kaarboonka ee dhulka wasakheeya.

Baarayaasha adduunka ayaa ka shaqeynaya sidii loo soo saari lahaa noocyo kala duwan oo bariis ah oo aan u baahneyn biyo badan si loo yareeyo saameynta beerashada bariiska ay ku leedahay kululaanshaha cimilada adduunka.

2. Baaritaanka internet-ka

A woman in a dark room on her laptop

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qiyaastii 60% bulshada adduunka waxay isticmaalaan internet-ka baaritaan walbana wuxuu u baahan yahay tamar yar oo sii deysa gaaska carbon dioxide

Baaritaan yar oo aad internet-ka ka sameyso wuxuu dhaliyaa wax yar oo gaaska carbon dioxide ah, sababo la xiriira tamarta loo baahan yahay inuu ku shaqeeyo kumbiyuutarkaaga.

Waxay u muuqan kartaa mid yar, balse xogtii ugu dambeysay waxaa lagu qiyaasay in 4.66 bilyan oo qof oo adduunka ku nool ay isticmaalaan internet-ka.

Dadku waxay daawadaan qiyaatsii hal bilyan oo saac oo muuqaallada YouTube-ka ah halka Google, oo bartaas xukuma,uu tamarta la cusbooneysiin karo ku xoojiyo qalabkiisa, daawashada muuqaalladaas waxay dhaliyaan gaaska kaarboonka.

Daraasad ay sameysay Jaamacadda Bristol ee UK ayaa lagu ogaaday in sanadkii 2016 ay dadka daawada YouTube ay qiyaatsii abuureen 11.13 milyan tan oo gaaska carbon dioxide ah - taas oo la mid ah gaaska ay soo saarto magaalo la mid ah Glasgow, (oo ah halka uu ka dhacayo shirka COP26).

3. Keydka biyaha

A reservoir surrounded by mountains on three sides and a dam at the bottom

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Meelaha biyaha lagu keydiyo way daxaleystaan waxayna dhalin karaan gaaska methane

Marka dhulka biyo lagu harqiyo si keyd biyo loo sameeyo, dhirta iyo waxyaabaha kale ee biyuhu ka dul mareen ayaa qurmi kara waxayna dhalin karaan methane - si la mid ah beeraha bariiska.

Baarayaasha Jaamacadda Washington State University-Vancouver ayaa ogaaday in keydadka biyaha adduunka ay mas'uul ka yihiin qiyaastii 1.3% gaaska hawada lagu sii daayo ee uu aadmigu sababo - si la mid ah gaaska hawada lagu sii daayo ee guud ahaan Canada.

Si kastaba, keydad badan oo biyaha ah ayaa sidoo kale waxaa laga dhaliyaa korontada biyaha ku shaqeysa.

Kuwaasi waa ilaha ugu badan ee laga dhaliyo koronto aan dhalineyn gaas badan oo kaarboonka ah waxayna beddel u tahay tamarta laga dhaliyo shidaalka.

4. Farmaajada

Several different kinds of cheese on a table

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Farmaajadu waa waxa saddexaad ee ugu weyn ee dhaliya gaaska cagaaran

Waa laga yaabaa inay la yaab kugu noqoto in farmaajadu ay tahay waxa saddexaad ee ugu weyn ee sababa gaaska hawada lagu sii daayo marka laga soo tago hilibka lo'da iyo idaha.

Farmaajadu waxay dhalisaa 13.5kg oo carbon dioxide ah, kiiladii la cunaba, taas oo ka dhigeysa inay ka mid tahay waxyaabaha ugu badan ee isbeddelka cimilada sababa, si ka daran hilibka digaagga, doofaarka, digaagga nooca turkey ama kalluunka salmon.

Qiyaastii 10 litir oo caano ah ayaa la isticmaalaa si loo soo saaro hal kiilo oo farmaajo ah, inkastoo farmaajada jilicsan ay qaadato caano yar, sidaas darteedna ay saameyn yar ugu leedahay deegaanka.

Waaxda manaafacaadka xoolaha ee adduunka ayaa soo saarta qiyaastii 4% gaaska cagaaran ee aadmigu sameeyo kaas oo ay qeyb ka yihiin xoolaha sida lo'da.

5. Waxbaridda gabdhaha

Two girls in uniform smiling with exercise books

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wax baridda haweenka iyo gabdhaha waxay muhiim u tahay bulshada

Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in marka haweenka iyo gabdhaha ay iskuullada aadaan si ay u helaan fursad la mid ah tan wiilasha, tani waxay siyaabo kala duwan u xoojineysaa istaraatiijiyadaha lagula dagaallamo isbeddelka cimilada.

Haweeney dhammeysay dugsiga sare waxaa laga yaabaa inay dhasho carruur yar marka loo eego tan dhammeysay keliya dugsiga hoose.

Yareynta dhalmada waxay saameyn wanaagsan ku leedahay koonka iyadoo yareyneysa kororka bulshada waxayna kaddib yareyneysaa tirada dadka dhalin kara gaaska hawada lagu sii daayo.

Waxbarashadu waxay sidoo kale xoojisaa haweenka iyo gabdhaha si ay u noqdaan hoggaamiyeyaasha cimilada. Daraasado ayaa muujinaya in dalalka ay haween badan ku jiraan baarlamaanka ay u dhow yihiin inay ansixiyaan heshiisyo badan oo caalami ah, ayna la yimaadaan siyaasado adag oo isbeddelka cimilada ah.