Poland: Nin dadka qaxootiga ah ee u tallaabaya Poland u keenay qorshe faa'iido iyo halis leh

Qaxootiga reer Ciraaq oo ku dhuumanaya keyn y dhow magaalada Chelm ee dalka Poland kaddib markii ay ka gudbeen Belarus.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qaxootiga reer Ciraaq oo ku dhuumanaya keyn y dhow magaalada Chelm ee dalka Poland kaddib markii ay ka gudbeen Belarus

Qareen u dhashay dalka Poland ayaa billaabay qorshe lagu caawinayo dadka qaxootiga ah ee sida sharci darrada ah ku galaya Poland iyagoo kasii tallaabaya waddanka Belarus.

Kamil Syller ayaa ka codsaday shacabka ku nool agagaarka xuduudda inay baaq u sameeyaan dadka qaxootiga ah ee dhuumanaya si ay u siiyaan raashin iyo hoy, xilli ay dowladduna aad uga soo horjeeddo in la martigaliyo dadkaas.

Mashruucan ayaa loo sameeyay bog Facebook ah oo lagu soo qorayo farriimo ku qoran luuqadaha Ingiriiska, Polish iyo Carabi si sare loogu qaado wacyigelinta ku aaddan in la taageero qaxootiga magangalyo doonka ah.

Poland ayay dhawaanahan aad ugu sii badanayeen tirada dadka isku dayaya inay ka gudbaan xadka Belarus.

Mr Syller, oo ku nool meel 5 kiiloomitir u jirta xadka, ayaa sheegay in muhaajiriin badan ay naftooda halis galinayaan iyagoo ku dhuumanaya keymaha xilli uu jiro qabow aad u daran, halkii ay caawinaad ka weydiisan lahaayeen dadka deegaanka.

Sababta ay khatarta ugu bareerayaan ayuu sheegay inay tahay cabsi ay ka qabaan in ay gacanta u galaan booliska Poland kaddibna dib loogu celiyo dhinaca Belarus.

Ugu yaraan lix ruux oo qaxootiga tahriibaya ah ayaa dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay gudahooda ku dhintay xadka agtiisa, waxaana la rumeysan yahay inay u geeriyoodeen qabow dartiis, maadaama heer kulka gobolkaas uu marayo darajo barafeyn ah.

Migrant
Qoraalka sawirka, Dadka qaar ayaa u dhimanaya qabow dartiis

Isagoo la hadlaya wargeyska Poland kasoo baxa ee lagu magacaabo Wvborcza ayuu Mr Syller u sheegay tahriibeyaasha in marka ay arkaan guri looga baaqayo ay ku xisaabtamaan in la siinayo raashin, dhar ay isaga baddalaan kuwa ay xiran yihiin, gargaar caafimaad oo deg deg ah iyo in telefoonnadooda dab loo galiyo.

Waxa uu sidoo kale cambaareeyay habka ay dowladda Poland u wajaheyso arrintan.

"Maamulka dalkeenna, waxay sameynayaan hindise sharciyeedyo si dhakhso ah loo hirgelinayo oo lagu banneysanayo in dib loo celiyo dadka magangalyo doonka ah, taasina waxay sababtay dhimashada dadka qaxootiga ah," ayuu yiri.

"Annagu, haddii aan nahay dadka ku dhaqan xadka, waxaan aragnaa dhibaatada bani'aadannimo ee heysata dadkan, mana dooneyno inay dhintaan. Waa inaan ahaanno bani'aadan," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Balse waxa uu aqbalay in haddii guri uu bixiyo baaq loogu yeerayo dadka qaxootiga ah ay sidoo kale soo arki karaan booliska raadsanaya dadkaas sharci darrada kusoo galay, ayna xiri karaan.

"Way adag tahay arrintaas. Waa run inay khatar leedahay, waxaa xitaa jiri kara guryo laga sameeyo baaq ciyaar ciyaar ah iyo kuwo si ulakac ah ugu yeeri kara dadka qaxootiga ah si ay ugu dhiibaan booliska, si markaas dib loogu celiyo keymaha ku yaalla xadka u dhaxeeya Poland iyo Belarus. Waa arrin ku xiran go'aanka dadka oo la xiriirta khalad ama sax," ayuu yiri.

Polish army soldiers in front of border between Poland and Belarus. On August 26, 2021

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada Poland ayaa dib u celinaya qaxootiga kasoo tallaabada dhinaca Belarus

Dalalka Poland, Lithuania iyo Latvia ayaa dhammaantood soo tabiyay inay ku bateen soo galootiga ka imaanaya waddamada Afghanistan iyo Ciraaq, kuwaasoo dhammaantood kasoo tallaabay dhinaca Belarus.

Dowladda Poland iyo ururka Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay Belarus inay hub ahaan u isticmaaleyso muhaajiriinta iyadoo ku dhiirrigelineysa inay soo galaan Belarus si ay ugu sii gudbaan Yurubta kale.

Waxay ku andacoodeen in arrintan ay tahay fal aargoosi ah oo uu ku kacayo madaxweyne Alexander Lukashenko, si uu uga jawaabo cunaqabateynta ay Midowga Yurub ku xoojiyeen kaddib markii ay dowladdiisu bishii May afduubatay diyaaradda Ryanair.

Isbuucan, baarlamaanka Poland ayaa ansixiyay hindise sharciyeed cusub oo oggolaanaya in ciidamada ilaalada xuduudaha ay si deg deg ah u celiyaan muhaajiriinta sida sharci darrada ah uga soo tallaabada xadka.

Ciidanka ayaa sidoo kale la siin doonaa awood ay ku diidaan codsiyada ku aaddan magangalyo doonka caalamiga ah, iyagoo aan wax imtixaan ah qaadin.

Laakiin hay'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in Poland ay ku khasban tahay inay raacdo shuruucda caalamiga ah ayna aqbasho dadka raadinaya magangalyada, xitaa haddii ay waddanka kusoo galaan si sharci darro ah.