Maka:Farxad ayay la ilmeeyeen markii dib lo furay Masjidka Xaramka

Wiil yar oo Quraanka kariimka ah ku akhrisanaya Masjidka xaramka kadib markii uu acmaasha cumrada gutay

Xigashada Sawirka, Haramain

Qoraalka sawirka, Wiil yar oo Quraanka kariimka ah ku akhrisanaya Masjidka xaramka kadib markii uu acmaasha cumrada gutay

Muslimiinta ayaa dhamaan salaadaha faradka maalinkii Axadda ku tukaday Masjidka weyn Xaramka iyadoo ay wajiyadoo laga dheehan karo farxad ayna ku jirto jawi iimaan buuxa ah.

Masjidka waxaa booqday dad badan oo cibaadeysanaya iyo kuwa gudanaya acmaasha Cumrada ka dib markii la fududeeyay tallaabooyinka taxaddarka iyo kuwa looga hortagayo cudurka COVID-19, sida in Meesha laga saaro kala fogaanshaha dadka cibaadeysanaya, iyo u oggolaanshaha Masjidka Weyn inuu ku shaqeeyo si buuxda.

Muslimiinta ayaa ku faraxan in sii buuxda ah Masjidka barakaysan uu u shaqeeyo

Xigashada Sawirka, Haramain

Qoraalka sawirka, Muslimiinta ayaa ku faraxan in sii buuxda ah Masjidka barakaysan uu u shaqeeyo

Ku-simaha Madaxweynaha Guud ee Arrimaha Labada Masaajid ee Barakaysan Dr. Sacad Bin Muxammad Al-Mheimeid ayaa xaqiijiyay diyaargarowga buuxa ee soo dhaweynta dhammaan dadka doonaya inay cibaadeysataan iyo kuwa cumrada u imaanaya dalka iyo dibeddaba iyadoo la raacayo tallaaboyiinka ka hortaga COVID-19.

Sacuudi Carabiya ayaa muwaadiniinteeda iyo kuwa ajaanibta ahba u ogolaaneyso iney gutaan cumrada sannadkan markii ugu horreeysay tan iyo markii uu bilowday fayraska corona.

Boqolaal qof ah ayaa lagu soo dhaweeyay misaajidka weyn ee Maka si ay acmaasha cumrada u gutaan ka dib laba sanadood oo loo joojiyay sababo la xiriira fayraska corona.

''Ilaahow Adigaa mahad iska kaleh kuna mahadsan inaad nolosha sideedii noogu soo celisay si tartiib ah. Fiiri dad badan ayaa soo cumraysanaya, ilaahow Adigaa ku mahadsan. Ilaahay idinkinkiis waxaynu helaynaa ajar, ilaah waxaan waydiisanaynaa in uu na abaal mariyo'' ayuu yiri mid kamid ah dadkii fursada u helay inay masjidka ku cibaadeystan.

dadka ayaa haatan loo ogolaaday inay safka buuxiyaan oo isu dhawadaan balse waa inay Maskarada afka wataan

Xigashada Sawirka, Haramain

Qoraalka sawirka, Dadka ayaa haatan loo ogolaaday inay safka buuxiyaan oo isu dhawadaan balse waa inay Maskarada afka wataan

Wajiga koobaad ayaa loo ogolaaday iney acmaashooda si buuxda ku gutaan misaajidka weyn ee Maka iyo masjidka Nabiga NNKH, waxaana marba marka ka sii dambeysa la kordhiyay dhamaan tirada ilaa iyo inta uu misaajidka ka buuxsamayo.

Al Xaaj Yuusuf oo kamid ah dadka acmaasha cumrada gudanaya

Xigashada Sawirka, Haramain

Qoraalka sawirka, Al Xaaj Yuusuf oo kamid ah dadka acmaasha cumrada gudanaya

''Dadka oo dhan waxay gudanayaan waajibaadkooda sida dhawaafka iyo wax walbo si nabdoon, oo fudud dhibna aan lahayn'' ayuu yiri Al Xaaj Yuusuf Maxamad oo kamid ah dadka acmaasha cumrada gudanaya .

Dadka caanka ah ee Masjidka Nabiga NNKH ee masjid Nabawi salaadaha faralka ku gutay waxaa kamid ah Madaxweynaha Senegal ee Macky sall, waxaana Eeebe uu wafajiyay in uu ku tukado gudaha Rawda.

Xigashada Sawirka, Haraamain

Qoraalka sawirka, Dadka caanka ah ee Masjidka Nabiga NNKH ee masjid Nabawi salaadaha faralka ku gutay waxaa kamid ah Madaxweynaha Senegal ee Macky sall, waxaana Eeebe uu wafajiyay in uu ku tukado gudaha Rawda.

Dadka cumreysanayo ayaa waxaa laga doonayaa iney xirtaan maaskarada wajiga isla markaanaa ay tallaal buuxda ah haysataan

Dhanka kale misaajidka ayaa waxaa maalintiiba la nadiifin doonaa in ka badan 50 goor, si looga hortago cudurka safmarka ee fayruska corona.

Shaqaaalaha Masjidka barakaysan ee xaramka oo nadiifinaya kacbaha

Xigashada Sawirka, Haramain

Qoraalka sawirka, Shaqaaalaha Masjidka barakaysan ee xaramka oo nadiifinaya kacbaha