Farxaan Xasan Sheekh Qaasim: Xildhibaanka keli ah ee aan xisbi ka tirsanayn ee ku soo baxay Dowlad Deegaanka

Qoraalka Codka, Xildhibaanka keli ah ee aan xisbiga Abiy ka tirsanayn ee ku soo baxay Dowlad Deegaanka

Xisbiga Barwaaqo ee haya talada xukuumadda dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ku guulaystay dhammaan kuraasta baarlamaanka deegaankaas, marka laga reebo kursi keliya oo uu ku guulaystay xildhibaan si madax banaan u tartamay oo lagu magacaabo Farxaan Xasan Sheekh Qaasim oo laga soo doortay degmada Fiiq.

Xildhibaan Farxaan oo BBC-da la hadlay ayaa ka warramaya sida uu u arko in uu ka mid noqdo gole xildhibaanada fadhiyaa ay dhamaantood isku xisbi qudha yihiin iyo waxa uu u qaban karo deegaanka laga soo doortay, waa kan isaga oo u waramaya weriye Ismaaciil Buurgaabo.