Aar Maanta - Fannaanka Soomaaliyeed ee carruurta Minneapolis ka caawinaya inay ogaadaan dhaqankooda

Fannaanka Soomaaliga ah Aar Maanta (R)

Xigashada Sawirka, Jon Behm/The Cedar

Qoraalka sawirka, Fannaanka Soomaaliga ah Aar Maanta (R)

Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa muusikada ku soo biirineyay nolosha carruurta ee degmo ka tirsan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo loo yaqaan "Muqdishada yar oo ku taal Mississippi" si ay uga caawiso barashada luqadda iyo dhaqanka dalkooda hooyo.

Aar Maanta, oo caadiyan fadhigiisu yahay London, wuxuu arkay baahi degdeg ah oo loo qabo in afka Soomaaliga la lagu beero nolosha carruurta, oo qaarkood ku dhashay Mareykanka oo aysan ku hadli karin afkooda hooyo.

"Markii uu wiilkaygu dhashay waxaan raadinay luuqadaha Soomaaliga waxaanana ogaanay inaysan jirin in la heli karo. Waxa kaliya ee aan haystay waxay ahaayeen xusuusteyda," ayuu yiri. "Taasi waxay igu dhalisay inaan bilaabo mashruucan."

Erayada qaarkood ee heesaha waxaa qorey carruurta Soomaaliyeed oo qaarkood ay da'doodu tahay siddeed jir.

Meerisyada qaar ee heesta waxaa ka mid ah sida tan dhahaysa "Madaxweyne sidaa u doqonsan, iyada oo wiilkayga iga yar uu ka go'aan fiicanyahay", waa hal sadar. Waxaa jirta qeyb kale oo ku saabsan xijaabku oo u dhacaysa sidan "sida taaj Islaamka inkastoo ay jiraan".

Carruurtan ayaa ku nool xaafadda Cedar -Riverside ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka - oo ah deegaan ay ku nool yihiin Soomaali aad u badan.

Heesahooda ayaa la sii daayay bishan kuwaas oo lagu tilmaamay "albumkii ugu horreeyey ee ku soo baxa labada luqadood ee Ingiriisiga iyo Soomaaligaa ee muusigga adduunka".

Ka bood YouTube boggan
Oggolow Google YouTube macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay Google YouTube. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Google YouTube xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka YouTube boggan

1px transparent line

Waxaa albumkani loogu yeeraa Ubadkaa Mudnaanta Leh.

Mashruucan waxaa maalgeliyay The Joyce Foundation, oo taageerta fannaaniinta midabka ee gobolka Harooyinka Waaweyn ee Maraykanka.

Fannaanka oo ay xaruntiisa tahay Xarunta Dhaqanka ee Cedar ee Minneapolis, Aar Maanta wuxuu doonayay in carruurtu ay afkooda ka bartaan heesaha, iyada oo muusiga loo adeegsanayo aalad looga hadlo arrimaha la xiriira socdaalka, xagjirnimada iyo xiisadda magaalada gudaheeda.

Halqabsiga ah 'Argagixisada yar yar'

Nasiib wanaag qofka ugu fiican ee Aar Maanta gacanta ka siiya xaqiijinta riyadiisa ee Minneapolis ku nool wuxuu noqday Siciid Saalax, kaas oo isku tilmaama in uu yahay oday Soomaaliyeed, oo uusan ahayn wax intaas ka badan.

Said Salah (L) and Aar Maanta (R)

Xigashada Sawirka, Bob Stack

Qoraalka sawirka, Aar Maanta iyo abwaanka caanka ah ee Saciid Saalax.

Run ahaantii waa nin caan ka ah guud ahaan Soomaaliya iyo meelaha ka baxsanba waxaana lagu yaqaanaa curinta gabayada, samaynta riwaayadaha sidoo kale waxaa loo yaqaanaa ilaaliyaha afka Soomaaliga.

Waxa kale oo uu bare ka yahay Jaamacadda Minnesota, halkaas oo uu ardayda baro afka Soomaaliga.

Markii ugu horraysay ee Soomaaligu noqday luuqad qoran 1970 -naadkii, wuxuu kaalin muhiim ah ka qaatay ololihii ballaarnaa ee wax -qorista iyo wax -akhriska ee dalka.

Mudane Siciid Saalax ayaa sheegay in carruurta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ay aad ugu ooman yihiin barashada luqaddooda iyo dhaqankooda.

Waxay ka dheregsan yihiin in lagu tilmaamo "argaggixiso yar yar", "burcad -badeed yar-yar" ama "dambiilayaal yar-yar" - dhammaan fikradahaasi waxay la xiriiraan Soomaaliya.

Carruurta Soomaalida ah ee ku kortay Mareykanka, mararka qaar kuma hadli karan afsoomaali.

Xigashada Sawirka, Jon Behm/The Cedar

Qoraalka sawirka, Carruurta Soomaalida ah ee ku kortay Mareykanka, mararka qaar kuma hadli karan afsoomaali.

Mid ka mid ah doorka Siciid Saalax ayaa ah in bulshada tuso hodantinimada afka iyo dhaqanka Soomaaliga.

"Waan rumaysan kari waayay markii aan bilaabay inaan u akhriyo carruurta buug ku qoran afka Soomaaliga gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed ee dhigata iskuul ku yaal Minneapolis," ayuu yiri Siciid.

Aar Maanta wuxuu abwaanka ku raacay in carruurta qaarkood ay noloshooda adag tahay, laakiin waxay aad u daneeyaan dhaqankooda.

"Ma rumaysan karin xiisaha ay u qabaan albamka, xiisaha ay u qabaan barashada afkooda iyo xiisaha ay u qabaan wax walba oo ku saabsan afka Soomaaliga ah".

"Waxay xitaa i weydiiyeen duqii hore ee Sheffield ee UK, Magid Magid, oo ah nin Soomaali ah" ayuu yiri Aar Maanta .

'Xirashada Xijaabka marka la qubeysanayo?'

Faadumo Jamiila Biixi waa gabar yar oo qortay wax ku saabsan xijaabka.

"Dadku mararka qaarkood waxay noogu yeeraan 'kuwii madaxa ku watay shukumaanka '. Xitaa waxaa la i weydiiyay in xijaabka aan ku dhex-xirto suuliga qubeyska!" ayay tiri.

Farshaxan ay sawirreen carruur Soomaali ah

Xigashada Sawirka, Timi Bliss

Qoraalka sawirka, Farshaxan ay sawirreen carruur Soomaali ah

"Qorista iyo heesidda heesahan waxay igu abuurtay qab yo kalsooni. Waxaan doonayay in dadku ogaadaan in xijaabku uusan dhib igu hayn, balse aan barako ka helo."

Carruurtu waxay soo saareen farshaxan ay weheliyaan heesahooda, iyagoo la shaqeynaya farshaxaniistaha deegaanka ee Timi Bliss, oo wax ka qorta buugaagta carruurta, oo ay ku badan yihiin kuwa asalkoodu madowga yahay.

Waxay door weyn ka cayaartay hal ku dhiggii Black Lives Matter ee Minneapolis kadib dilkii askari caddaan ah oo booliis ah uu u geystay George Floyd.

Qaar ka mid ah heesaha ku jira albumka ayaa waxaa qoray toban sano ka hor Siciid Saalax, sida heesta carruurta ay wax tirinayaan, taas oo magaceedu yahay Koow, iyo tan kale ee higgaada ee lagu magacaabo Taa Tee Tii Too Tuu.

Qaar kale ayay carruurtu keligood qoraan, curiyaan oo hadana ku heesaan, ama la kaashadaan Aar Maanta iyo kooxdiisii The Urban Nomads ama Reer Miyiga Magaalada.

Is-haleeshiinta jiilalka kala go'ay

Mid ka mid ah arrimaha muhiimka ah ee uu Aar Maanta doonayay inuu wax ka qabto ayaa ah in wax laga qabto sidii la isugu soo dhoweyn lahaa jiilalka kala go'ay ee Soomaalida ah. Waalidka waxa ay ku dhasheen Soomaaliya, carruurtana Maraykanka, taas oo farqiga kaliya ee jira uusan ahayn jawiga qaboow ee Maraykanka , ee balse sidoo kale fikradaha laga aaminsanyahay Soomaalida uu yahay mid kale.