Sheekh Kenyaawi iyo TikTok: Wuxuu ka sheekeeyay sida uu ugu biiray barta iyo soo dhoweyntii uu ka helay

Qoraalka Muuqaalka, Sheekh Kenyaawi iyo TikTok

Maxay tahay sababta uu Sheekh Maxamed Ibraahim Kenyaawi ugu biiray barta ay dhalintu ku badan tahay ee TikTok?

TikTok waa bar laga leeyahay Shiinaha oo malaayiin qof oo ku kala nool daafaha caalamka ay isticmaalaan. Waxaa ka mid ah kumannaan dhallinyaro oo Soomaali ah.

Dadka waxay isku dhaafsadaan arrimo kala duwan. Qof kastana wuxuu soo dhigaa farriinta la haboon ee uu baahin karo.

Sheekh Kenyaawi oo dhowaan ku biiray, wuxuu aad oga wacyi-geliyaan dhallinta in ay joojiyaan waxyaabaha anshax-xumada ah.

Sannadkii la soo dhaafay, ayuu BBC Somali siiyay wareysigan.