Shan goobood oo aanay dadku booqn karin

Adduunku waxaa ku yaalla goobo faro badan oo soo jiidasho leh, kuwaas oo soo jiita dadka u dhashay dalal kala duwan ee caalamka. Kuwaas oo diyaarsan qaabilaadda dadkaas iyada oo laga sameeyo lacag tiro badan.
Sannadkii 2019-kii, dalxiiska adduunka wuxuu dakhli ahaan u dhigmay 10.4% waxsoosaarka guud ee adduunka. Laakiin waxaa jira meelo wanaagsan oo wax badan ku soo kordhin kara, laakiin ay muamnuuc tahay in la tagaa.
Malaayiin dalxiisayaal ah ayaa booqda goobaha barakaysan ee duurjoogta, buuraha dhaadheer, daaraha waaweyn, goobaha dhaqanka, iyo meelo kale oo xiisaha leh.
Laakiin waxaa jira meelo adduunka ka mid ah oo dalxiisayaashu jeclaan lahaayeen inay booqdaan laakiin astaamaheeda iyo taariikhdeeda aan la ogolayn.
Qaarkood waxaa loo oggol yahay saynisyahano kaliya, kuwaas oo soo mara shuruudaha gaarka ah, oo ay ku soo booqdaan.
Inkasta oo ay jiraan in ka badan 30 meelood oo leh astaamahan, haddana BBC-du waxay kuu soo gudbinaysaa lixda meelood ee dalxiisayaashu aanay booqan karin iyadoo ay jirto bilic iyo taariikh soo jiidasho leh oo aaggaas ku taal.
1. Godadka Lascaux, France.

Xigashada Sawirka, Google
Kuwani waa godadka ugu dhaadheer ee laga helo waqooyi-bari Faransiiska. Waa mid ka mid ah godadka laga helo sawirrada taariikhiga ah ee ugu quruxda badan uguna caansan adduunka.
Waxaa la sheegaa inay yihiin sawirradii ugu qadiimisanaa ee xilligii awoowayaasha iyadoo la sheego inay ka weyn yihiin ku dhawaad 17,000 oo sano.
Sawirrada badankooda waa xayawaan waaweyn oo la sheegay inay ku noolaayeen sannadahaas meelahaas.
Godadka ayaa ay u aqoonsan tahay Hay'adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) in ay tahay meel dhaxal u ah adduunka.
Si kastaba ha noqotee, tan iyo sanadkii 2008 godadka ayaa loo xiray sababo la xidhiidha fangas ka dillaacay godadka. Waxay u oggolaadeen saynisyahano aad u tiro yar ugu yaraan bishii hal mar.
2. Jasiiradda North Sentinel, India

Xigashada Sawirka, Google
Waa jasiirad aad u yar oo ay ku yaallaan keymaha ugu cufan Gacanka Bengal. Waa mid ka mid ah Jasiiradaha Andaman ee ku teedsan Badweynta Hindiya, oo ay ku hareeraysan yihiin dhul kayn oo aad ay u adag tahay in halkaas doon lagu gaadho.
Laakiin taasi ma ahan caqabadda kaliya ee ka hor istaagtay in ay dadku ku fashilmaan inay booqdaan, caqabadda ugu weyn ayaa ah in jasiiradda ay hoy u yihiin dadka ka tirsan bulshada Sentinel ee aan doonayn inay la macaamilaan dadka kale ee adduunka.
Waxaa la sheegaa inay yihiin bulshada kaliya ee adduunka ka hadhay ee aanu saameyn khamriga iyo waxyaalaha kale ee la adeegsado adduunka maanta.
Sannadkii 2008, laba kalluumeysato ah oo ay doontoodu si qalad ah ugu soo dhowaatay jasiiradda ayay raggaasi dileen. Sannadkii 2004 muddadii Tsunami, saynisyahannadu waxay adeegsadeen helikobtarro si ay ula socdaan saamayntooda. Waxaase dadka xeebahaas ku nooli bilaabeen in ay ku weeraraan xilligaas fallaaro, waramo iyo dhagxaan
3. Doomsday Vault, Norway

Doomsday Vault waa bangiga adduunka ugu weyn ee laga helo xidida ama abuurka dhirta ee ugu badan adduunka, waxaana uu ku yaallaaa Norway. Abuur walboo aad aduunka ka taqaano oo aad ka heli jirtey dalagyadooda ayaa meeshaas ku keydisan.
Kaydkan ayaa aad uga fog degsiimooyinka dadka iyo meelaha xitaa haddii dagaal qarxo ama daad kasta oo dhaco ay abuurkaasi ku waxyeelloobi lahaayeen, waana goob ay ku nabad galayaan.
Waa aag aad u qabow oo marwalba la ilaaliyo, waxaana gala shqaalaha yar ee ka shaqeeya.
4. Poveglia, Italia

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jasiirad kale oo yar oo ku taal inta u dhexeysa Venice iyo Liido ee woqooyiga Talyaaniga. Taariikhda jasiiraddaas, waa goobtii qalcadda ugu faca weynayd, halkaas oo ay u ahaan jirtay bar kontorool baddeed oo markii dambena loo isticmaalay karantiil bukaanno qaba cudurro kala duwan, gaar ahaan suuxdin iyo xanuunnada maskaxda.
Laakiin sanadkii 1968, waxaa la xiray isbitaalkii loo adeegsaday bukaanadan, badankoodna dhimirka ka jiran, tan iyo markaasna, jasiiradda waa laga tagay.
Waxaa jira dareen ah in tan iyo markii la xiray isbitaalka, rooxaanta bukaanada dhintay, dadka lagu dilay dagaalka, ay ku sii jiraan dhismooyinka jasiiradda. Waxaa jira dhawaq la sheegayo in laga maqlo goobahaas.
Dhawaaqyada aan la fahmi karin. Dad badan baa joojiyey cabsidaa awgeed ka agdhawaanshaheeda. Sannadkii 2014-kii, dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday heshiis kiro ah oo 99-sano ah jasiiradda si ay u soo jiito dadka dalxiisaya, laakiin cabsi awgeed lama tago.
5: Jasiiradda Masaska, Brazil

Xigashada Sawirka, Google
Sida magaceedaba ka muuqata, Jasiiradda Masaska ee hoostagta Brazil (Ilha da Queimada Grande) waa aagga ugu dadka iyo wax-soosaarka badan adduunka.
Waa aag ka kooban 43 hektar masaska laga helayna waxaa lagu sheegay inay yihiin kuwa ugu sunta badan isla markaana dili kara bini aadamka si deg deg ah.
Shantii mitir oo laba jibbaaranba waxaa ku jira mas, qiyaastii waa shan tallaabo haddii aad socotana waa inaad la kulanto abeesooyin cabbirkoodu kala duwan yahay.
Cilmi baaris ayaa muujisay in ay jiraan in ka badan 4,000 oo masaska waaweyn oo laga helay jasiiraddaas oo qiyaastii 20 mayl u jirta xeebta Sao Paulo.
Dowladda ayaa ka mamnuucday qof walba inuu booqdo jasiiradda sababo badqab awgood.
Tiro yar oo saynisyahanno ah oo leh daryeelka ugu badan iyo qalabka difaaca casriga ah ayaa loo oggolaaday inay baadhaan shantii sanoba mar, iyagoo wata rukhsad gaar ah oo ay lagu heshiiyey haddii ay dhintaan ama haddii wax gaadhaan sidii ay ku soo kaban lahaayeen.










