Najma Cabdullahi: Ehelka oo ka hadlay gabadhii lagu dilay Mombasa, Kenya

Qoraalka Codka, Ehelka oo ka hadlay gabadhii lagu dilay Mombasa

Jimcihii la soo dhaafay waxaa magaalada mombasa laga helay mayda Najma Cabdullahi oo ka mid ahayd ardeydii sannadkan dhameysay dugsiga sare. Qoyskeeda waxay raadinayeen muddo seddax maalmood ah.

Ilaa iyo hadda, waxaa gacanta lagu soo dhigay hal qof oo dumar ah oo loogu shakisanyahay in dilka gabadhaas ay ka dambeysay.

Xasan Bashiir oo ka mid ah ehelada gabadhaas la dilay ayaa BBC Somali u sheegay in "gabadha markii hore la soo helay iyadoo dhaawacyo ay ka muuqdeen, ka dibna isbitalkii la geeyay ay ku dhimatay". Halkaas waa meesha ay qoyska ka heleen.

"Waxay dhaawacyada oga yaalleen laba dhinac ee wejiga iyo ilkaha hore iyo kellida", ayuu yiri Xasan bashiir.