Qof $28m ku bixinaya dalxiis uu hawada sare ugu raaci rabo Bezos ninka Amazon iska leh

Xigashada Sawirka, Reuters
Qofka ku guulaystay xaraashka ee aan la garanayn waxa uu yahay ayaa waxa uu $28 milyan oo doolar kursi ka siistay ninka iska leh shirkadda Amazon Jeff Bezos si uu qeyb uga noqdo safarka hawada sare ee ay shirkadda isla Bezos ee Blue Origin ku tagayso hawada sare.
Xaraashka ayaa waxaa la sameeyay Sabtidii, iyadoo shirkadda Blue Origin ay barteeda Twitterka farriin ay soo dhigtay ay ku sheegtay in huwiyadda qofka guulaystay la shaacin doono todobaadyada soo socda.
Hannaanka xaraashka ayaa waxa uu soo jiitay rabitaanka dad ku nool in ka badan 140 dal.
Labada qof ee kale ee raaci doona duulimaadka 20-ka July ayaa ah Bezos walaalkii Mark iyo dalxiise aanan magaciisa la shaacin.
Kaddib ku dhawaad muddo bil ah oo xaraashku socday ayaa qofkii ugu sarreeyay waxa uu yaboohay wax ka yar $5 milyan oo doolar - hasayeeshee xaraashka dhanka online-ka ayaa mar qura Sabtidii sare ugu kacay in ka badan 5 jeer.
"Qofka guulaystay ayaa waxa uu lacagtaas siin doonaa hay'adda Blue Origin, "ClubforFuture," ayey barteeda Twitterka soo dhigtay Blue Origin.
Mr Bezos ayaa waxa uu haystaa lacag gaaraysa $186.2bn bilyan oo doolar sida uu shaaciyay wargeyska Forbes. Arrintaas oo ka dhigaysa inuu yahay ninka dunida ugu qanisan.
"20-ka July, waxaannu safarka wadageli doonnaa walaalkey," ayuu todobaadkii hore ku soo qoray bartiisa Instagram-ka, "Safarkii ugu waynaa oo aan la geli doono saaxiibkeyga ugu wanaagsan."


Mark oo ay wadadhasheen Mr Bezos ayaa duulimaadka ay shirkadda Blue Origin qorshaynayso waxa uu ku tilmaamay inuu yahay "fursad muhiim ah".
Sida lagu daabacay barta internetka ee Blue Origin in shirkadda ay qorshaynayso in rakaabkeeda ay gaarsiiso in ka badan 100 km meel dhulka ka sarraysa, si ay bal halkaas u soo dheehdaan. Waxa ayna dhulka dib ugu soo laaban doonaan iyagoo adeegsanaya baarashuudyo.
Safarka ayaa la filayaa inuu qaato muddo 10 daqiiqadood ah.
Qalabkaas ayaa waxaa loogu magacdaray Alan Shepard qofkii labaad ee dayax tagay ahaana qofkii ugu horreeyay ee Ameerikaan ah ee hawada sare tagay.


Duulimaadkii ugu horreeyay ee ay dad saaran yihiin ayaa imanaya todobaadyo uun kaddib markii Mr Bezos uu qorsheeyay inuu xilka maareeyaha guud ee Amazon isaga tago.
Waxa uu gudoomiye u noqon doonaa shirkad uu 30 sanadood ka hor aasaasay taas oo uu ka heli doono "waqti iyo awood" uu diiradda ku saari doono safarradiisa.
Dhanka kale waxaa laga yaabaa in indhaha ay qabtaan nin jecel hawada sare oo ay Mr Bezos dhankaas ku tartamaan, oo waxaa loo malaynayaa in Richard Branson ay suuragal tahay inuu galo duulimaad tijaaba ah oo uu ku galo dayaxgacmeedka Virgin VSS Unity 4-ta bisha July.












